Falanqayn iyo Wabixin ciyaaraha caawa ka dhacaya Yurub

Caawa waxaa la ciyaari doonaa lugta koobaad ee tartanka kubadda cagta Yurub ee Champions League wareega 3-aad, waxaana isku dheggan afar koox.

Ciyaarta Bayern Munich vs. Juventus:

Kooxda heesata horiyaalka Talyaaniga Juventus ayaa caawa u safartay waddanka Germalka , halkaas oo ay ciyaar ku lee dahay kooxda Bayern Munich lugta koobaad ee ciyaaraha kooxaha Yurub wareega seddaxaad.

Laban koox waxa ay ka mid yihiin kuwa ugu cududa weyn dhinaca Yurub.

Marwada da’da xilli ciyaareedka 2012 ilaa 2013 waxa ay soo bandhigtay ciyaar aad loo jecleesatay iyada hadda hogaanka u heysa tartanka kubadda Talyaaniga ee Serie A-da.

Ciyaarta waxa ay ka dhici doonta garoonka kubadda cagta  Allianz Arena, ee ku yaalla magaalada Munich, ee dalka Germany

Kooxda Bavarian weli lagama badin horiyaalka Bundesliga tan iyo siddii uu billowday sannadkan 2013, guushii ugu dambeeyay waxa ay 9-2 kaga badiyeen kooxda Hamburger SV.

Kulankii ugu dambeeyay, ee tartanka Yurub wareega 16-ka waxa ay  3 iyo 1 kaga badiyeen kooxda ka dhisan London ee Arsenal.

Kooxda Talyaaniga , ayaa rikoor dhigtay markii seddax jeer ay ku guuleesatay, waxaana ugu dambeeyay kulankii ay la ciyaartay  Catania.

Bayern Munich: Neuer (GK); Lahm, Van Buyten, Dante, Alaba; Gustavo, Schweinsteiger; Muller, Kroos, Ribery; Mandzukic

Juventus: Buffon (GK); Barzagli, Chiellini, Bonucci; Pirlo; Vidal; Pogba, Marchisio, Asamoah; Vucinic, Matri

Paris Saint-Germain iyo Barcelona oo isku arkaya Champions League

Kooxda Barcelona ayaa caawa u socdaaleysa magaalada Paris ee dalka Faransiiska halkaas ay oo ay kula soo ciyaari doonto Paris Saint-Germain.

Kooxda Barca labo iyo 0 ayaa looga badliyay lugtii horre wareega 2-aad ee tartankaas, laakin lugtii labaad ayey ku badashay 4 iyo 0 taasoo ka dhigtay in AC Milan Isugeyn looga badiyo  4-2 .

Warbixinada kale ee laga soo wariyay kulankan waxaa ka mid ah, kooxda Faransiiska Paris Saint-Germain 23-kulan loogama badin hooygeeda tartanka Yurunb, waxaana ugu dambeesay markii 4 iyo 2 ay kaga badiyeen Hapoel Tel-Aviv tartanka Uefa Cup tan iyo bishii November 2006.

• Les Parisiens waxa ay raadineysa in markii labaad ay u soo baxdo Champions League tartanka semi-final. quarter-final markaas oo ay is arkeen kooxda Barcelona sannadkii 1994-95, waxana isku geeyn ay ku soo baxday 3-2.

• Zlatan Ibrahimovic ayaa ka soo muuqday 29-kulan horiyaalka kooxda Liga Barcelona xilli ciyaareedka 2009-10 , wuxuna dhaliyay 16- goals.

• Barcelona ayaa kaliya labo jeer ku guuleesatay siddeedii kulan ee ugu dambeesay oo ay ciyaareen dhamman tartamadii la ciyaaray).

• Kooxda Katalaniga ayaa ku guuleesatay lixdii jeer ee ciyaaraha Champions League heerka quarter-finals-ka waxaana markii ugu dambeeyay ee looga badiyay heerarkan ahayd sannadkii 2002-03, waxaana ka badiyay Juventus.

Paris: Paris Saint-Germain xidigga qadka dhexe uga ciyaara Thiago Motta lama heli doono kulanka Barcelona ee ka dhacaya garoonka Parc des Princes maxaa yeelay wuxuu ku dhaawacmay xarunta tababarka.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee Lucas Moura iyo weerraryahanka Ezequiel Lavezzi ayaa dib loogu yeeray maadama la nasiyay kulankii Jimcaha ay la yeesheen koooxda Montpellier, halka Marco Verratti iyo Zlatan Ibrahimovic ayaa soo laabtay kaddib markii ay ganaaxeen Yurub.

Barcelona xiddigaha u ciyaara sida  Xavi iyo Jordi Alba ayaa shaki lagaliyay maadama ay ay seegeen kulankii barbardhaca ee horiyaalka 2-2 Celta Vigo.

Javier Mascherano, Sergio Busquets, Andres Iniesta iyo David Villa oo dhammaan la nasiyay kulankii dhawa ayaa lagu soo billaabi doonaa

Difaacyada Carles Puyol ayaa ka dhaawacan Anqowga halka Adriano uu marqaha ka dhaawacmay iyo weeraryahanka  Pedro aya laga mamnuucay kulankan, laakin goolhaye Victor Valdes ayaa dib u soo laabtay markii la ganaxaay kulan ka tirsan horiyaalka Spain.

Labada koox sida lagu sheegay war gordhow soo baxay, waxa ku ciyaaridoonaan qaabkan

Paris Saint-Germain (4-3-2-1): Salvatore Sirigu; Maxwell, Thiago Silva, Alex, Gregory van der Wiel; Marco Verratti, Blaise Matuidi, Clément Chantôme; Javier Pastore, Ezequiel Lavezzi; Zlatan Ibrahimović

FC Barcelona (4-3-3): Victor Valdes; Jordi Alba, Gerard Piqué, Javier Mascherano, Dani Alves; Sergio Busquests, Xavi Hernandez, Andres Iniesta; David Villa, Lionel Messi, Pedro Rodriguez

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here