Fahad Yaasiin oo shaqo joojin ku sameeyay Xogheynta Madaxweynaha

Wararka laga helayo Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin uu shaqo joojin ku sameeyay Xogheyntii Madaxweyne Farmaajo oo lagu magacaabayay Xabiib Maxamed Cigaal.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii ay xurguf soo kala dhex gashay Agaasime Fahad Yaasiin iyo Mr Xabiib oo ka mid ahaa dadka aadka uga dhowaa Madaxweynaha, kana soo qeyb qaatay Barnaamijkii Qaaraan Qaran oo uu horay Madaxweyne Farmaajo ugaga dhawaaqay Mareykanka, intii aanu ololaha doorashada gelin.

Xurgufta u dhaxeysay Xogheynta Madaxweynaha Mr Xabiib iyo Agaasime Fahad Yaasiin ayaa gaartay heer warqad amar oo ah in aanu soo geli karin Madaxtooyada laga dhigay Albaabka, taasoo aakhirkii ku kaliftay inuu dalka isaga dhoofo,

Warar Hoose ayaa sheegaya in Xabiib uu saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho, markii arrintiisa wax laga qaban waayay, isla markaana uu banaan cidlo ah ku soo dhacay.

Sidoo kale waxaa jiray shaqsiyaad shaqo ka fariisan dadban iyo mid toos lagu sameeyay, waxaana ka mid ahaa Kaaliyihii gaarka ah ee Madaxweynaha oo lagu magacaabo Maxamed C/llaahi (Maxamed Dheere) oo ahaa ninkii cododka u tirinayay Madaxweyne Farmaajo doorashadii February, waxaa ninkan iyo shaqsiyaad kale ay la xulufo ahaayeen Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Abuukar Baalle.

Wararka ayaa sheegaya in Agaasime Fahad Yaasiin uu tan iyo markii uu xilka qabta shaqo ka fariisin iyo ceyrin ku sameeyay shaqsiyaad ka howl galayay Madaxtooyada oo isugu jiray dadkii Madaxweyne Farmaajo kala soo qeyb qaatay ololaha iyo kuwo horay Madaxtooyada uga shaqeynayay.

Kooxdii Ololaha Madaxweyne Farmaajo ayaa hardan siyaasadeed oo ka dhex qarxay ay sababtay inay labo garab u kala jabay, waxaana kooxdii ka hartay Agaasimihii hore Abuukar Baalle ay noqdeen kuwo meel cidlo ah ku soo haray, isla markaana u takanoobay, xulafadii ay la ahaayeen darteed.

Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin iyo kuxigeenkiisa C/risaaq Shoole ayaa ah labada nin ee xilligan awooda badan ku leh Madaxtooyada, iyagoo meesha ka saaray dhinacyadii xifaaltanka iyo hardanka kala dhaxeeyay iyo wixii ku dhowaa Madaxweyne Farmaajo.

Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay ku jirtay xaalad degenaansho la’aan, iyadoo muddo saddex bilood ay isku bed bedeleen illaa saddex agaasime.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here