Fadeexad kale oo laga faafiyay Ciidamada Uganda ee Somalia loo diro

amisom2Wargeyska The Observer ee kasoo baxa Caasimada dalka Uganda, ayaa faafiyay warbixin ku saabsan, in ciidamada Uganda ee doonaya in loo qaado Somalia si ay qeyb uga noqdaan Howlgalka AMISOM laga qaado lacago laaluush ah oo dhan 500,000o ilaa  1 million shln oo lacagta Uganda ah.

Wargeyska ayaa sheegay,in lacagta ay qaataan Saraakiisha ciidamada, kuwaasoo soo xusha Askarta kamid noqoneysa Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Askarta ku guuleeysata Xulashada ugu horeyso unugyada ay ka tirsanyihiin, waxay markale shido kala kulmaan inta ay ku jiraan tababarka, si ay ugu diyaar garoobaan in loo daad gureeyo Soomaaliya.

Askarta dhiibto lacagta laaluushka ah, ayaa rumeysan in hadii loo qaado Soomaaliya 12 Bilood kadib, ay lasoo laaban doonaan lacag ka badan intii ay bixiyeen.

Waxaa xusid mudan in Saraakiisha Ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya horay loogu eedeeyay ineey Gataan Shidaalka iyo Hubka loogu talo galay ciidamada, sidoo kale dhawaan ayay ahayd markii Saraakiisha Uganda lagu eedeeyay ineey Xerada Jaziira Tababar ku siiyeen Unugyo katirsan shabaab.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here