Shabakad dadka Muslimiinta u badasha Facebook oo hawada soo geli doona.

Wargeyska afka dheer ee WASHINGTON POST  ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa sheegay in barkulan  bulsho oo internet ah taasi oo lagu magacaabo SALAMWORLD Hawada la soo gelin doono bisha RAMADAAN ee sanadkan .

Bartan ayaa la shaaciyay in ay sideed luqadood ku shaqeyneyso taasi uu wargeysku ku Sheegay  FACEBOOKA muslimiinta .

Wargeyska oo faaladiisa sii wata wuxu yiri muslimiinta doorata in ay joojiyaan Isticmaalka face-booka oo ay adeegsadaan bartan cusub ma fili doonaan in ay ka helaan Codadka heesaha fanaanada MADONNA ama in ay falanqeeyaan arimaha la xiriira Galmada.

shirkada dhisaysa bartan cusub oo ay xarunteedu tahay dalka turkiga Magaalada ISTANBUL waxa ay rajeyneysaa in barkulankani uu noqdo sida facebooka Laakiin ka nadiifsan waxaana laga ilaalin doonaa qoraalada iyo muuqaalada sida Sawirada akhlaaq xumada ah waxeyna shirkada damaanad qaadi doontaa ixtiraamka Qoysnimo.

CABDIWAXIID NAYAZU oo ah mid ka mid ah dadka iskale bartan SALAMWORLD Ayaa sheegay in barkulanada kale ay ku jiraan waxyaabo badan oo aan aamin aheyn Iyadoo lagu faafiyo wax ka baxsan dhaqanka iyo akhlaaqda suuban taasna ma dooneyno In caruurteena ay qaataan waxyaabahaaasi xaaranta ah .

Khubradan iminka gacanta ku haya hwoshan shabakadan WWW.SALAMWORLD.COM ayaa saadaalinaya in ay shanta sano ee ugu horeysa ay Kasban doonaan shan milyan oo ruux.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.