Fabrigas oo si rasmi ah ugu biiray Chelsea

Fabrigas oo si rasmi ah ugu biiray Chelsea
Fabrigas oo si rasmi ah ugu biiray Chelsea

Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay la soo wareegtay cayaaryahanka reer Spain Cesc Fabrigas.

Barcelona ayaa Khamiistii shaacisay in la iibiyay  kabtankii hore ee Arsenal kaasoo ku laabanaya dalka Ingiriiska.

Fabrigas ayaa ka tagay Gunners-ka sannadkii 2011, wuxuuna Barca u cayaaray 96 kulan isagoona u dhaliyay 29 gool.

Si dhab ah looma shaacin lacagta lagu bixiyay Fabrigas balse wargeysyada ka soo baxa dalka Spain ayaa qoray in lacag ku dhow 30 Milyan in Chelsea ay kula wareegtay cayaaryahanka reer Spain.

Waxaa loo xiray lambarka 4-aad ee kooxda isagoona qallinka ku duugay heshiis gaaraya ilaa shan sanno oo uu joogayo galbeedka London.

Macallinka Chelsea Mourinho ayaa aad u baadi goobayay cayaaryahankan maxaa yeelay wuxuu ku guul darreestay Diego Costa oo kooxda Atletiko Madrid ay diidday in ay iibiso.

Sidoo kale Chelsea waxaa ka tagay David Luis, waxaana kooxda ay raadineysay cayaaryahan booskaas buuxiya.

Fabrigas ayaa ka mid noqon doona cayaartoyda Chelsea ay la soo shir tagi doonto xilli cayaareedka dambe horyaalka Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here