Fabregas: “kulanka Spain & Portugal waa Elclasico sida Barcelona iyo Realmadrid”

Laacibka qadka dhexe uga ciyaara naadigaBarcelonaiyo xulkaSpainoo kahadlaya kulanka ay fooda isdari doonaan xulkiisaspainiyoPortugalwaxa uu ku tilmaamay mid Elclasico ah

Labadan xul ayaa habeenimada arbacada waxaa dhexmari doonaa dagaal xoogan si mid walbo uu ugu soo gudbo ciyaarta kama danbeysta,spainayaa 2-0 kaga soo adkaaday xulkaFrancehalkaPortugalay 1-0 kaga soo adkaatay xulka Czech

“Portugalwaa mid kamdi ah xulalka ugu adag tartankan” sidaa waxaa yiri fabregas

Waxa uuna sii dabo dhigay hadalkiisa “waxay udifaactamaan sida Real Madrid oo kale ciyaartooduna waa mid ku dhisan xeelad waxaana waajib nagu ah inaan si wanaagsan ula ciyaarno si aan kaga guuleeysano”

Fabregas waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “ciyaarta na dhexmari doonta waa sida Barcelona Iyo Realmadrid maadaama labada dhinacba ay usafanayaan ciyaartooy ukala ciyaarta labada naadi, waxa ay leeyihiin laacibiin farabadan anagana waan leenahay”

Labadan xul kii soo adkaada waxa uu finalka ku dhici doonaa xulalkaitalyiyoGermanymidkood