Fabregas: Barcelona yaan loo maleen in ay ku tiirsan tahay kaliye Messi & Neymar

309507_heroaCesc Fabregas ayaa aaminsan in Barcelona in guusha ay gaartay Axadii shaley oo ay 1-0 kaga takhalustay Malaga in ay muujineyso in ay ka maaranto xidiggaha Lionel Messi iyo Neymar.

The Blaugrana ayaa ciyaarta ku soo billowday Rosaleda iyadoo aan wax weerar yahan aan wadan, Messi ayaa u seegay kulankaas dhaawac soo gaaray, halka macalinka kooxda Gerardo Martino uu sii wado ilaalinta Neymar, oo lumiyay 7-kilograms kaddib markii laga saaray labada qanjir ee ku yaalla cunaha intii lagu gudajiray diyaargarowga xaggaagan.

“Kooxda kuma xirna Messi iyo Neymar,” Xidiggan qadka dhexe ayaa sidaas laga soo xigtay isagoo la hadlaya Website-ka rasmiga ah ee kooxda.

“Waxaan sameenay qaybtii hore ciyaarta shaqo adag, balse qaybtii labaad waxaan luminay qayb ka mid ah maamulka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here