Fabio Capello oo iska casilay xilka tababaraha xulka qaranka Ingiriska

Tababarihi xulka qaranka England Fabio Capello ayaa iska casilay xilkaasi kadib marki uu kulan la qaatay shalay xiriirka kubada cakta.

Is casilaadiisa waxaa xaqiijiyey oo aqbalay xiriirka kubada cakta Ingiriiska ee loo soo gaabiyo FA-da.

Capello ayaa ka dagay xilka marki uu la kulmay gudoomiyaha FA-da David Bernstein iyo xoghayaha guud Alex Horne kuwaasi oo kulan dheer ku qaatay garoonka Wembley.

Bayaan kasoo baxay xiriirka ayaa lagu sheegay in Fabio Capello uu Arbacadi shalay aheyd istaqaaladiisa soo gudbiyey isla markaana ay ka aqbaleen.

Isniinti hore ayuu si weyn uga soo horjeestay go,aanki ay xiriirka kubada cakta xilka uga qaadeen kabtanki kooxda qaranka Ingiriiska John Terry, waxaana markaasi wixi ka danbeeyey sii kordhayey muranka Capello oo ah 65 jir iyo xiriirka, iyadoo ay xusid mudantahay in warbaahinta Ingiriiska ay arrinta sii walaaqeysay.

Capello ayaa mudadi uu joogay waxaa lagu xusuustaa guulihi uu gaarsiiyey xulka, isaga oo usoo saaray koobka Qaramada Yurub oo ay ugu danbeysay sanadki 2004, markaasi oo lagu marti geliyey dalka Portugal.

Booska Capello waxaa hada u sharaxan macalinka kooxda  Tottenham Harry Redknapp, sidoo kale waxaa si iskiis ah isu soo taagay kabtanki hore ee xulka Igiriiska Alan Shearer oo sheegay inuu u tartamayo jagadaasi.

Nin kale oo loo saadaalinayo macalinka cusub ayaa ah tababaraha kooxda West Brom Roy Hodgson,.

 
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.