Faarax Sh Cabduqaadir oo ka hadlay doorashada Soomaaliya

Faarax shiikh cabduqaadirXildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo ah shaqsi si aad ah ay isugu dhaw yihiin Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bogaadiyay qorshaha Dowladda Somaliya ay ku doonayso in Doorashada dalka ka dhaceyso ay ku dhacdo waqtigii loogu talo galay.

Faarax C/qaadir wuxuu tilmaamay Dowladda inay ku dadaalayso Doorashada inay dhacdo maalinta ugu dambeysa ee waqtiga Dowladda uu ku eeg yahay, islamarkaana taasi ay tahay mid wanaagsan.

“Aniga waxaan ku leeyahay si sahal ah malaha malaga sheekeyn doonaa ayaan is leeyahay, miro gunta ku jira kuwa geed saaran looma daadiyo anigana Musharax ma’ihi 2016, laakiin waxaan ku faraxsanahay in maanta Madaxweynaha iyo Dowladuba ay ka shaqeeyaan inaysan muddada kororsan oo maalinta ugu dambeysa ee waqtiga Dowladda ay noqoto maalinta ay dhaceyso Doorashada.” Ayuu yiri Faarax oo la hadlay TV-ga Universal

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ayaa ka hadlay caqabadaha suuragalka ay tahay ee ka hor imaan kara Doorashada la filaayo inay dalka ka dhacdo.

“Wey jiraan waxyaabo na xadidaya Dastuurkeena Mushkilad ayuu qabaa KMG ah oo laga gudbu u baahan oo in dib loo eego u baahan , Dhaqankeena Siyaasad Mushkilad buu qabaa oo hada Qabiil ayuu ku saleysan yahay oo aanan saamaxeyn dad badan oo waxgarad ah inay isgarab socdaan.

Cumar C/rashiid Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa horay u sheegay inay suuragal tahay arimo farsamo awgeed in muddo labo bilood lagu daro waqtigii la filaayay inay Doorashada dalka ka dhacdo, waa hadii Baarlamaanka ay aqbalaan.

Bisha August ee sanadkan ayuu ku eeg yahay Waqtiga Dowladda hada shaqeysa, waxaana la filayaa dalka inay ka dhacdo Doorasho isbedel keenta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here