Faarax Macalin oo Si Kulul uga Hadlay Rabshadihii ka Dhacay Islii iyo Gaarisa

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Dalka Kenya Faarax Macalin ayaa si kulul uga hadlay Rabshadihii ka dhacay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi iyo sidoo kale Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Faarax Macalin ayaa shaaca ka qaaday inaan la cafin doonin dadkii ka dambeeyay Rabshadihii ka dhacay Xaaafada Islii ee Magaalada Nairobi , wuxuuna shaaciyay in la soo taagi doono maxkamad.

Xildhibaanka ayaa sheegay in masuulki ay ku cadaata rabshadihii ka dhacay Xaafada Islii lala xisaabtani doono , wuxuuna hadalkiisa sii raaciyay in aan loo eegi doonin xilka uu hayo.

“Dalkaan Sharci ayuu leeyahay ,cidii dambiga ku cadaado lagama yeelayo madaxweynaan ahay wasiir baan ahay,taliye ama sarkaal ciidan baan ahay dhamaan sharciga ayaa ka weyn”ayuu si xanaaq leh u yiri Faarax Macalin.

Sidoo kale Faarax Macalin ayaa sheegay in dhacdadii ka dhacday Gaarisa iyadana la baari doono , waxaana uu xusay in wax laga qaban doono oo Milatariga lala xisaabtami doono.

Hadalka Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka ayaa imaanaya xili maalinti shalay ahayd ay Gudi xildhibaano ah u saareen sidii loo soo baari lahaa dhacdooyinkii ka dhacay Xaafada Islii iyo cidii ka dambeysay , iyadoo madaxda dalka Kenya gaar ahaan kuwa Soomaalida ay u cuntami weysya dhibaatadii loo geystay umada isku midabka ah ee Soomaalida Kenya iyo Soomaalida kale ee dalkan Qaxooti ahaan ama daganaasho ahaan u jooga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here