Faarax Macalin oo sheegay in Soomaaliya ku qaldaneyd dib u fasixida Qaadka

faarax macalinGuddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin Dawaare ayaa sheegay in Dowladda Somaliya ay ku qaldaneyd inay dib u fasaxdo qaadka laga keeno dalka Kenya ee Somaliya loo dhoofiyo maalin waliba.

Waxa uu sheegay qaadka inuu yahay Maandooriye qatar ah, islamarkaana uu aad ugu farxay markii go’aan ay ku qaadatay Somaliya inay iska hakiso qaadkaasi.
Faarax Macalin ayaa sidoo kale sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay aduunka intiisa kale in laga mamnuucay qaadka oo la ogaaday inuu yahay maandooriye halistiisa wata.
“Aad ayaan ugu farxay show Somalida sharaftii lagu yaqiini jiray ayeey soo ceshatay, Xasan Sheekh Maxamuud xoogaa sharaf buu ka tagay ayaan isla haa oo ah hadii Doorashada uu soo noqonaayo wax fican u noqon laheyd, laakiin taasi ma aysan dhicin oo dib ayaa loo fasaxay qaadkii Sun waxa ay noqotay aanan naga hareyn, horta aduunka intiisa kale in la fahmay waxaan inay muqaadaraad yihiin oo laga joojiyay, waxaan ku fekeraayay dadka kenyan-ka ee beera in laga joojiyo oo wax bedel u ah loo raadiyo sida Qaxwada iyo Shaaha.” Ayuu yiri Faarax Macalin.
Maalin waliba Somaliya waxaa yimaado Diyaarado fara badan oo qaad ka soo qaada dalka Kenya, halka Diyaaradahaasi tiradooda lagu sheego ilaa 15-diyaaradood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here