Faarax Macalin: Milatari ahaan waan ka guuleysanay Al Shabab

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka dalka Kenya Farax Macalin ayaa sheegay in Kenya ay ka go,antahay in ay gacanta ku dhigto Kismaayo.

Wareysi uu siiyey mid ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ayuu Faarax ku sheegay in ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ay hada guulo ka gaareen dagaalada Kismaayo isla markaana ay qorsheynayaan in ay gudaha u galaan.

“Milatari ahaan waan uga guuleysanay Al Shabab, waxaana kuu sheegayaa in ciidankayagu ay qabanayaan Kismaayo kuna wareejinayaan Dowlada Soomaaliya,” ayuu yiri Faarax Macalin oo ah siyaasi ka tirsan Dowlada Kenya kana soo jeeda Soomaalida ku nool Waqooyi Bari Kenya.

Shalay war kasoo baxay wasaarada gaashaandhiga Dowlada Soomaaliya ayaa loogu baaqay ciidamada in aysan ku fududaan in ay gudaha u galaan magaalada Kismaayo sababo xaga amaanka ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here