Faarax Macalin “Meles Zanawi isagaa abuuray Al-shabaab” (Dhageyso)

Gudoomiye kuxigeenka Baarlamanka dalka Kenya Faarax Macalin oo wareysi siinayay laanta afka soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in Hogaamiyihii geeriyooday dalka itoobiya Meles uu ahaa ninka aas aasay Al-shabaabta kadagaalanta dalka Soomaaliya.

Faarax macalin ayaa sheegay in Meles uu galaangal weyn kulahaay arimaha soomaaliya,isla markaasna uu ahaa shaqsiga kaliya uu caqabada ku ahaay xasilooni kadhalata dalka Soomaaliya.

Dhageyso Wareysiga G. kuxigeenka Baarlamanka dalka Kenya Faarax Macalin

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2012/08/faeaxmaclain.mp3″]

Siyaasigan laga soo doortay waqooyi bari Kenya,ayaa ahaa siyaasi aad uga soo horjeeday siyaasada ay itoobiya kula dhaqanto Soomaaliya,waxaana si weyn loogu xasuustaa mowqifkii uu iska taagay markii ay itoobiya ciidamo usoo dirtay gudaha soomaaliya sanadii 2006 kuwaasoo gacan siinayay doowladii C/laahi yuusuf ee xiligaas jirtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here