Faarax Macalin: Al Shabab qal qal xaga amaanka ah ayey nagu hayaan

Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Kenya Farax Macalin ayaa sheegay in dhibaato weyn ku heyn jireen iminkana ay kala kulmayaan Xarakada Al Shabaab kadib weeraradi qaraaraa ee magaalada Gaarisa.

Faarax Macalin oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Shabaab ay mar walba u hanjabi jirtay dalalka Kenya iyo Uganda marki danbana ay sameysay weeraro oo kii ugu danbeeyey ay ku dileen buu yiri 17 ruux oo ahaa dad u badnaa rayid.

“Dhibaatooyinka runti waxaa ka danbeysa hal koox waxana weeye Al Shabaab, tii hore ayagaa ka danbeeyey tii todobaadkan ka dhacday Gaarisa iyaga ayaa ka danbeeyey, 17 ruuxna waa la dilay 65 kalana waa la dhaawacay, marka hada dadkaan masaakiinta laaynaya waa dad argagixiso ah,” ayuu yiri.

Ugu danbeynti Faarax Macalin ayaa sheegay in weerarada ay Al Shabaab ka geysanayaan dalka Kenya in aysan ku qasbi doonin in ciidamadooda ay kusii nagaanayaan dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.