Faarax Cabdulqaadir oo gaaray Jowhar

Faarax shiikh cabduqaadirXildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo ka tirsanaa Barlamaanka Federalka ee uu xilligiisu dhamaaday ayaa maanta gaaray Jowhar, si uu uga mid noqdo Musharixiinta xubnaha HirShabelle ee u tartamayo Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda.

Musharaxaasi oo mar jaal dhaw la ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuusan jirin Musharax kale oo kula loolami kara xubinta Beesha Shiikhaal ee ay ka heshay xubnaha Hirshabelle ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda.

Wararka aynu ka helayno Jowhar ayaa sheegayo in Musharax Faarax Sh. C/qaadir si fudud ku hanan doonto Kursiga uu u tartamayo, maadaama uusan la loolami doonin Musharax miisaan culus ku leh Siyaasadda dalka.

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo xilka Wasiirka Caddaaladda ka soo qabtay Xukuumadda Federalka ayaa waxaa la rumeysan yahay inuu yahay Saaxiibka jaal dhaw la ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay muddo Siyaasadeed caqabado lahaa isla soo jibaaxeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here