Faallo “Ganacsiga Suuqa Madow iyo Somalida South Sudan”

Tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991 wixii ka danbeeyay soomaalida waxaa la soo gudboonaaday marxalado adag oo hadana kala duwan isla markaana saameeyay umadda oo dhan laga soo bilaabo caasimad, gobol ilaa miyiga, taas oo laga dhaxlay dowlad la,aanta iyo dagaalada.

Dhibaatooyinkaas la soo maray oo qaar ka mida ay wali jiraan ka dib mudo ka badan 20 sano, ayaa Soomaalidu waxaa ay sameeyneeysay ganacsi xoog badan si loo daboolo dulduleelada dhaqaale ee la soo darsay qoysaska Soomaaliyeed, maadaama ay dilaaceen abaaro, dagaalo sokeeye, iyo shaqo la,aan baahsan.

Xiliyadii Soomaalidu ku yaacday dibadaha gaar ahaan wadamada dariska East Africa iyagoo nolol doon ah,ayaa Soomaalidu waxaa ay ganacsi camiran ku sameeyeen dalal dhowr ah oo ay ugu weyntahay dowlada Kenya gaar ahaan magaala madaxda Nairobi,waxaana halkaas ganacsi ka bilaabay ganacsato ka timid Soomaaliya iyo kuwo gancsiga ku bilaabay qurbaha fikir dheerna aan u laheeyn mihnada ganacsiga,

Soomaalida waxaa ay sidoo kale ganacsi aan la mid aheeyn midka Kenya ku leeyihiin dalalka Tanzania, Uganda, iyo waliba wadamada Rwanda , Burundi, DR Congo iyo dalka south Sudan oo ay geeyaan rar xamuul ah maadaama Soomaalida ay safka hore kaga jiraan dadka iska leh gawaarida ugu badan ee wax u daabula dalalkaas aan dakadaha laheyn.

Howlkarnimada Soomaalida

Soomaalidu waa dad howlkar ah, firfircoon dadaal iyo karti badan leh,laakin hal abuur ganacsi badan aan laheyn sidaas oo ay tahay hadana waxaa loo yaqaan dad beenta neceb ,tuuganimada iyo xatooyadana aan aqoon, inkastoo waxyaabaha ka dhaca gudaha Somalia ay ka gudbiyaan muuqaallo xun , hadana ganacsigooda waxaa ay ku wataan caadi haba ugu badnaadee laaluushka.

Sida caadada ah,shacuubta caalamka ama Soomaalida qudheeda, marka kuwa sahanka ku xeel dheer ay sahmiyaan meel dihan, sida reer miyigu u u naq raacaan roobka ayaa ganacsatada Soomaalida waxaa ay u hayaamaan meelaha dihan ee lagu sameeyn karo beecmushtarka.

Hadaba marka laga reebo dalka Kenya oo Soomaalidu ku leedahay ganacsi weyn , ayaa Soomaali iskugu jirto ganacsi doon iyo muruq maal waxaa ay u hayaameen dalka koonfur Africa illaa Angola, qaar kale ayaa jidka soo gaabsaday isla markaana isku soo shubay dalka koonfurta sudan oo dhawaan ka madaxbanaanaaday dal weynaha Sudan.

South Sudan iyo ganacsiga Soomaalida

Dalka Koonfurta Sudan Ama Republic of South Sudan, waa wadanka aduunka ugu yar waxaana dalkan uu madax banaanida ka qaaday dalka Sudan 9kii july sanadkii 2011 sanadkii hore ka dib in ka badan 20 sano oo dagaal uu kula jiray dhinaca waqooyi ee muslimka carabta ah ay dagan yihiin, dalkan waxaa gacansi xoogan ku leh ajaanib aad u badan oo Soomaalidu ka mid tahay.

Soomaalida waxaa ay dalkan aad u soo gashay wixii ka danbeeyay sanadkii 2009 waqtigaas oo lagu baraarugau in fursado ganacsi ka jiraan,maadaama wadankan uu ka soo baxay dagaalo,dib u dhis xoogana ka biloowday.

Inkastoo Soomaalida ganacsigooda laga dareemo dalkan , taas oo ay ugu wacantahay iyagoo gacanta ku haayo illo muhiim ah sida xawaaladaha, shidaalka, qeybo ka mida raashiinka, iyo qalbnka dhismaha, ayaa hadana dhawaanahan danbe waxaa loo soo jeedinayay dhaliil ku saabsan in ay dhiiri gilinayaan sicir barar kol dhaw biloowday.

Dadka u dhashay dalkan oo ay joogaan xaddi aad u tiro badan oo ajanabi ah, waxaa ay aaminsanyihiin in shisheeyuhu ka daldalanayo dhaqaale iyo qeyraadka dalkooda, maadaama dhaqaalaha iyo ganacsigaba.

Ka sokoow eedeeymaha loo soo jeedinayay ganacsatada Soomaaliada ee ka howlgasha dalkan, waxaa si toosa loogu arkay falal lid ku ah ganacsiga iyo qeynyynka u dagsan dalkan,

Waqti hore oo aan joogay Soomaalia waxaan maqli jiray hadalo xan ah oo ku saabsan ganacsatada Soomaaliyeed qaar ka mida hadase aan rumeeystay,taas oo aheyd in qaar ka mida ganacsatada baqaaro waa weyn ku keeydiyaan badeeco xiligaas muhiim u ah shacabka dhibaateysan, si ay u gadaan macaashna uga helaan marka badxiranku dhaco soo galida badeecaduna yaraato, iyo kuwo lagu sheegi jiray in ay keenaan waxyaabo waqtigoodu dhacay.

Eedeeymaha hada loo soo jeedinaayo Soomaalida dalkan, waxaa ay ku socotaa labo qeybood oo kala ha xawaaladaha iyo shidaalka, xawaaladaha dhamaan waxaa iska leh Soomaalida waxaana lagu cambaareeyay in ay hareer mareen sharciyada uu u dajiyay Banka dhexe ee dalkan taas oo ku saabsan in xawaaladaha Soomaalida si isku mida u wada gadaan lacagaha Dollarka ah ee uu siiyo Bank.

Xawaaladaha ayaa taas badalkeeda lacagaha dollarka waxaa ay geeyaan suuqa madoow, waxaana ay ku gadaan qiimo ka badan midkii la amray,xawaaladaha suuqa madoow waxaa ay ka macaashaan qarash aad u badan iyagoo ka hela halkii boqol ee dollar in ka badan 30$, halka Banka dhexe u ogolyahay boqolkii dollar 5$, talaabadaas xawaaladaha waxaa u sahlo dad ka tirsan Bankiyada iyo dowlada oo bartay laaluushka, laakin eeddu waxaa ay ku socotaa Soomaalida.

Xawaalado badan ayaa horay loo xiray,qaarkood waxaa lagala noqday ogolaashihii shaqadooda, waxaana loo sii daba dhigaa ganaax lacageed laakin intaas kuma haraan ee isla markiiba waxaa badashaan magaca iyo boorkii xawaaladii hore,iyagoo u wareego magaca xawaalad kale.

Talaabadaas qudheeda waxaa ay keentay in xawaaladihii sii bataan,waxaana halkii xawaalad kaga furan ugu yaraan labo xafiis oo u xuub siibtay in ay ku shaqeeyaan suuqa madoow,arrinta layaabka leh waxa ay tahay in xawaaladaha banaanka ay u joogaan dad wakiilo u ah howshooduna tahay in ay iibiyaan dollarka, iyadoo natiijada ka dhalatayna ay noqotay xarig iyo dhac loo geysto marmarka qaar dadka ku shaqeeyo suuqa madoow ee xawaaldaha.

Qebta kale ee la eedeeyay waxaa ay tahay ganacsatada shidaalka ku leh magaalada Juba oo ay ku leeyihiin in ka badan 20 petrol stations oo qeybiya shidaalka, qaar ka mida ganacsatadaas ayaa shidaal ku keeydsaday meel banaanka ka ah magaalada xili baahi badan oo shidaal ay ka jirto wadankan.

Kuwaas shidaalka daafaha magaalada ku keydsaday, waxaa ay si hoose ku gadaayeen shidaalka halkii litter inta u dhaxeeyso 10 illaa 12 pound ,halka kaalimada shidalka loo ogolyahay sida caadiga ah 5.5 ilaa ugu badnaan 6 pound.

Shidaalkaasi lagu iibinaayay daafaha magaalada oo mudo gaaban socday waxaa laga war helay bilihii May iyo Jun ee sanadkan markaas oo ay tageen ciidamo ogaaday howsha halkaa ka socotay,iyagoo amar ku bixiyay in la gado shidaalka qiimaha caadiga ah isla markaana sii joogeen ilaa laga dhameeyay iibinta shidaal aad u badnaa,waxaana la sheegay in digniin xoogan loo jeediyay Soomaalidii laheyd shidaalka.

Soomaalida oo qabto fikirka ah dagdag ku taajir ayaa marka aad fiirisid qaabka ganacsigooda iyo xirfada ay leeyihiin, waxaa ka ogaaneeysaa in ay aad ugu yartahay hal abuurka ganacsiga waxaana ka muuqdo isku dayasho, marka laga soo gudbo eedeeymaha loo jeedinayo ganacsatada falkii ugu naxdinta badnaa ee Soomaalida ku nool dalkan koonfurta sudan waxaa uu dhacay 15 bishii may ee sanadkan, markaas oo koox hubeysan ay dil u geysteen muwaadin Soomaaliyeed xili habeen aheyd oo ay ku weeraren gurigiisa.

Falkaas waxaa sii xigsaday sadax maalin ka dib dab xoogan oo baabi,iyay ilaa 3 baqaar oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed halkaas oo ay ku bas beeshay hanti aad u fara badan oo aanay ilaa hada cidi iska weydiin,waxaa muqaneeyso in uu sii badanayo naceeybka dalkan looga qabo ajanabiga gaar ahan Soomaalida oo lagu xagliyo in ay yihiin dad islaam iyo carab ah,maadaama dadka wadankana ay islamka iyo carabta la dagaalamayeen mudo aad u dheer oo ay u arkaan cadaw.

Ugu danbeeyn ganacsatada waxaa ay u baahan yihiin in ay fahmaan waxyaabaha lidka ku ah ganacsiga xorta ah isla markaana la jaanqaadan qeyrkoda kale , una fakaran ganacsiga ay galayaan ka hor inta aanay ku dhaqaaqin maadaama ay kaga imaan karto qasaare iyo qatarba hadii ay u weeciyaan meelo qaldan.

Dowlada Soomaaliyana waxaa la gudboon in ay ganacsatada u sameeyso sharci ganacsi oo faa,ido u wada leh shacabka, ganacsatada iyo dowlada si looga gaashaanto kuwa ku wado mihnadooda shaqo iyo talaabo walbo oo ay qaadaan laaluushka sababtoo ah waxaa ay ku soo bar baariyeen shaqadooda bariga Africa oo laaluushku ka sareeyo wax walbo, si marka ay kuwaas ku laabtan dalka Soomaaliya aanay u sumeeyn ganacsatada iyo guud ahaanba shacabka.

Siyaad Mohamed Roobleh
Senior Somali Exiled
Journalist

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here