Faallo: Fashilka u keenay xukuumadda Soomaaliya iyo Saacid oo u muuqda mid socda

Masawirkaan, ninka bidix waa Ra’isal wasaare Saacid oo la yaaban xad-gudubyada aan kala go’a laheyn ee uu madaxweyne Xasan ka caado yeeshay, iyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud oo isna u eg nin la yaaban fashilka ku yimid xukuumadda hal sano jirka ah, iyo waliba Saacid oo goor ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen lasoo banbaxay wax ka gedisan waxii uu ka filayay!

saacid vs culusow2

Saacid waa nin ka soo jeeda gobolada dhexe ee soomaaliya, waxuu ku dhashay Gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Dhuusamarreeb, sanadkii 1958. Waxuu ahaa nin ganacsade ah oo uu fadhigiisu yahay magaalada Nairobi. Saacid waxuu ganacsiga bilaabay sanadkii 1985, xiligaas oo uu ka tagay wasaarada maaliyadda oo uu shaqaale ka ahaa, inta laga war hayana waxuu leeyahay hal xaas oo lagu magac’aabo Xildhibaanad Caasha Cilmi iyo 4 caruur ah.

Qof ahaan Saacid waxaa lagu sifeeyaa nin caajis miiran ah oo aan howl kar ahayn, inta badan howlihiisa ganacsi waxaa daadihisa maama Caasha Cilmi oo ah haweeneey howl kar ah. Sida laga soo xiganayo dadka aqoonta u leh ina Shirdoon, waa nin habeenki qayila maalinkina hurda, ilaa heer uu gaaro marxalad aan la qiyaasi karin.

saacid2

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa baadigoob dheer iyo ka fiirsi badan ka dib raiisul wasaare u magac’aabay Abdi Farah Shirdon (Saacid) 6 dii bishii Oktoobar sanadkii 2012, ka dib marki uu kala soo dhex baxay murashaxiin soomaaliyeed oo aad u tiro badan.

Hadaba akhristow Saacid oo ah ninka aan ka soo sheekeeynay, maxay tahay sababta uu madaxweyne Xassan ku soo xushay ? Maxuuse kaga duwanaa ama dheeraa ragga kale?

Saacid-Hurdaaye

XULASHADII CABDI FAARAX SHIRDOON (SAACID)

Madaxweyne Xassan oo maanka ku haya waxyaabo badan oo ay ugu horeyso isqabqabsigii iyo khilaafaadkii la haray dowladihii ka horeeyay, ayaa raggii u xusul duubayay xilka Raiisul’wasaarenimada hordhigay shuruudo ad-adag. Saacid waxuu aqbalay dhammaan shuruudihii lagu xiray si loogu doorto jagada Raiisulwasaarenimada dalka, halka raggii kala shuruudaha ugu cunami waayeen siyaabo kala gedisan.

Ilaa iyo hadda xogaha la hayo waxay sheegayaan, in Saacid uu si indho la’aan ah qalinka ugu duugay heshiisyo badan oo uu si hoose ula galay madaxweynaha, kuwaasoo hadda dhabarka ka jabiyay islamarkaana uu hadda un ku soo baraarugay.

Sax iyo khalad waxay tahayba, Saacid waxuu aqbalay in gacanta loo geliyo road map tilmaamaya siyaasadaha laga doonayo inuu raaco inta uu jagadaasi hayo,  waxaa gacanta loo geliyay malaf qoraal ah oo ay ku caddahay shaqada loo igmaday iyo xaduudaha aan loo agoleyn inuu ka soo tallaabo.

Cadeymaha loo hayo xogahan waxaa ugu muhiimsan qodobo dhowr ah, sida hadalkii uu madaxweyne Xassan ka yiri munaasabadii lagu caleemo saaray Raiisul wasaare Saacid:- “Dr Abdi Farax (Saacid) waxaan u dhiibnay “FOLDER”qeexaya nooca Raiisul wasaaraha inuu noqdo laga rabo, anaga markaan fiir-fiirinay, saacid inuu noocyasaas yeelan karo ayey nala ahaatay, laakiin waa la arkayaa hadii Alle yiraahdo marka xukuumada uu hogaaminayo ay shaqa gasho” (Codka madaxweynaha waa la hayaa.)

Marka labaad mudadii sanadka ahayd ee uu fadhiyay xafiiska, ma ahayn nin ka dhex muuqda siyasadda iyo howlaha dowlada, waxuu ahaa nin u shaqeeya sida ku xigeenka duqa magaalada.

Waxaa hadda ka hor dhacday in Aaladaha warbaahinta laga daawaday Saacid oo dhex taagan dad u badnaa haween iyo caruur Soomaaliyeed oo isugu soo baxay fagaare weyn oo Muqdisho ku yaala, xilli uu magaalada London ka socday shirweyne caalami ah oo looga hadlayay arimaha Soomalia aadna muhiim u ahaa, kaasoo ay Soomaaliya uga qeyb galeen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud, duqa magaalada Muqdisho (Tarsan), iyo Maama Caasho Cilmi oo ah xaaska Ra’isal wasaare Saacid. (Halkaan ka daawo Ra’isal wasaare Saacid oo ka qeyb galay dibad bax Muqdisho ka dhacay oo lagu taageerayay shirkii Soomaaliya ee xiligaas London ka socday.)

Dhinaca kale, dhammaan wasaaradaha kala duwan ee dalka waxay u howlgalayeen si ka madaxbanaan Saacid,  waxaana muuqatay inay si toos ah u hoos tagayeen Villa Soomaaliya, sida wasaaradaha arimaha gudaha iyo dibadda.

Intaas keliya ma aha sifooyinka lagu soo xushay Saacid, waxaa jiray tilmaamo badan oo uu madaxweyne  Xassan ku qancay oo uu lahaa ina Faarax Shirdoon (saacid).

CEESHOW-MILIX   

Marka hore Xassan iyo Saacid waxay ahaayeen laba nin oo isku xirfad ah, (NGO), sidoo kale waxaa ka dhaxeysay aragti mideysan oo ku wajahan siyaasadda guud ee dalka, labada ninba waxay doonayeen in dalka laga dhiso dowlad xoog badan oo la mid ah tii kacaanka, iyo in gebi ahaan la fashiliyo nidaamka federaalismka, si taas loo gaarana waxaay si gaar ah isha ugu hayeen Jubaland oo loo arkayay inay tahay albaabka Federaalka. Waxay hoosta ka xariiqeen in hadii la soo xiro Alabaabka Jubaland uu macnaheedu yahay, in lasoo xiray Alabaabkii uu ka soo geli lahaa nidaamka federaalismka dalka Soomaaliya, waana midda keentay in weerar af iyo adin ah lagu qaaday Jubaland.

Dhinaca kale Saacid waxaa lagu tiriyaa maalgeliyeyaashii maamulkii la oran jiray Dooxada Juba ee uu hogaaminayay Barre Aadan Shire (Barre Hiraale), Barre-na waxuu ahaa nin heyb iyo deegaanba la wadaaga Saacid. Barre Hiiraale waxuu ahaa ninka ugu tunka weyn ragga uu madaxweynaha u diyaarsaday hujuumka iyo carqaladeynta Jubaland.

Hadaba akhristow mar haduu xaalku sidaas ahaa, maxaa maanta keenay khilaafkan xiira-xiiraha ah ee soo kala dhex galay labadan mas’uul?, Away ceeshow milixii, xaalku se maxuu ku dambeyni doonaa?

KHILAAFKA WAXAA KENAY FASHIL SIYAASADEED

Waxyaabihii ay ku balameen kooxda uu hogaamiyo madaxweynaha ee Damul Jadiid iyo Saacid waxaa ugu muhiimsanaa fashilinta Jubaland, si loo fashiliyo nidaamka federaalismka.

Saacid qudhiisa ma ahayn nin keligii socda, waxuu ceelalyo u ahaa qolyo aaminsan afkaarihii koox la oran jiray Dooxada-Jubba, ujeedka kooxdan waxuu ahaa in gacanta loo geliyo maamulka Dekedda iyo Ariprtka Kismaayo, magaca Dowladana lagu ilaaliyo.

Madaxweyne Xassan waxuu sanad ka hor Saacid u diiday inuu booqdo Jaamacadda Kismaayo, balse maanta asaga ayaa booqday oo weliba raaligelin siiyay ergadii Hoolka fadhiday.

Maalmo ka hor, waxaa markii ugu horeysay taariikhda Raiisul’wasaaraha afkiisa laga maqlay magaca”JUBALAND”, dad badan oo aad ula yaabay isbedelkan deg-dega ah ayaa soo xasuustay qisadii Fircown iyo hadalkii uu Rabi ku yiri  goorti uu badda ku haftay.

Waxaa faraha ka baxay gebi ahaan amniga goobaha ay Dowladda maamusho, gaar ahaan caasimada iyo gobolka Hiiraan, waxaana  kor u kacay awoodii wiiqantay ee Alshabaab.

Waxaa gebi ahaan istaagay howgaladii lagu baacsanayay Alshabaab, taas badelkeedana Alshabaab waxay bilaabeen inay darsin-darsin u layaan ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom, waxaa ugu dambeeysay dhacdadii Baladweyn, maalmo ka hor.

Cimriga Dowlada waxuu marayaa sanad iyo bil, waxay ku dhameysatay la dagaalanaka Jubaland, iyo shirar iyo safaro dibadda ah oo aan waxba ka soo naasa cadaanin.

Gebi ahaan waxaa soo xirantay riwaayadii la jilayay mudada sanadka ah, waxaa la dhex makhuurtay fashil madhaleys ah oo aan horay loo arag, waxaana meesha ka baxday kalsoonidii yareyd ee taageerayaasha Dowladda.

Akhristow si looga dabaasho makhuuradka iyo meer-meertada la yuunbaday, caalamkana loo qanciyo, waxaa lagamamaarmaan noqotay in la helo Qurbaan laisku furto (كبش فداء=xirsi-fur), Xaasan hal Wan buu lahaa wankina waxuu noqday mudane Saacid. Rajada madaxweynaha waa in caalamka mar labad rumeysto, sidaasna uu ku bilaabo bog cusub iyo sanad cusub.

Akhristow fashilkaas foosha xun ayaa gundhig u ah khilaafka Xassan iyo Saacid, balse su’aasha taagan ayaa ah, xaalku maxuu ku dambeyni doonaa?

SAANSAANTA II MUUQATA SAACID WAA SOCOTO

Ma aha markii ugu horeysay oo ay is khilaafaan Madaxweyne iyo Raiisul wasaare Soomaaliyeed, laga soo bilaabo sanakii 2000 ilaa 2012, soomaaliya waxay yeelatay 10 Raiisul’wazaare.

1. Cabdiqaasim Salaad Xassan: Dr. Cali Khaliif Galeyr, Xasan Abshir iyo Maxamed Cabdi Yusuf.

2. Cabdullahi Yusuf Ahmed:  Cali Maxamed Geeddi , Nuur Cadde iyo Maxamed Maxamuud Gacmadheere.

3. Shariif Sh Axmed:  Cumar Cadirashiid Cali Sharmaake, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Weli taariikhda ma dhicin in madaxweyne Soomaaliyeed iyo Raiisul wasaare isku khilaafay siyaasadda soomaliya ay heshiiyaan oo ay dib u wada shaqeeyaan, sidoo kale horay uma dhicin in lagu kala baxo barlamanka, marka laga reebo Raiisul wasaare Cali Khaliif Galeyr.

Badanaa marka uu yimaado muranka noocan ah waxaa dhaxdhexadiya beesha caalamka, gaar ahaan dalalka deriska.

Sida caadada ah waxaa inta badan tanaasula ama lagu sanduleeyaa inuu xilka isaga tago Raiisul wasaaraha.

Akhristow Saacid markaan ka fiirino dhinacyo badan, waa raisulwasaaarihii ugu tabarta iyo taagtadarnaa ee soo mara dalka sanadihii ugu dambeeyay, sidoo kale Xassan waa madaxweynihii ugu awooda badnaa madaxweynayaashii dalka soo maray sanadihii ugu dambeeyay,

Sidaas darteed waxaa loo badinayaa in lagu kala bixi doono saacadaha soo socda oo uu Saacid Jaqaafin doono si tartiib ah.

Akhristow Saacid waa ku daayay sida muuqata, balse waxay su’aali ka taagan tahay, maxaa lagu xasuusan doonaa, maxay tahay shaqada uu qabtay inti uu xilka hayay?

MAXAA LAGU XASUUSAN DOONAA SAACID?

Marka koowaad, Saacid waxaa lagu xasuusan doonaa inuu ahaa nin dayacay xilkii uu umadda u hayay, (xilgudasho la’anaa).

Sax iyo khalad waxay tahayba Saacid waxuu xafiiska ku yimid 4.5, ujeedada iyo xikmadda loo sameeyay nimaankan waxuu ahaa in mas’uulka uu ka wakiil noqdo isku xirka beeshiisa iyo dowladda dhexe, si midnimadii dalka loo soo celiyo.

Saacid waxuu kala fogeeyay beeshi uu ka wakiilka ahaa iyo dowladii dhexe. Iskaba dhaaf inuu dowlad iyo beesha isu soo jiido, waxuu fitan ka dhax aloosay beeshiisa, weliba gaar ahaan Jifada uu ka soo jeedo ee (Sade.)

Saacid waxaa lagu xasuusan doonaa dhiig badan, sida dagaaladii Kismaayo iyo kuwii ugu dambeyay ee Beledxaawo iyo kala qoqobka beesha Sade, fashilinta iyo ragaadinta nabadda iyo dib u heshiisiinta guud ahaan dalka.

Ugu dambeyn Saacid waxuu khtar geliyay Dowlada Damul-Jadiid, si ka duwan wixii uu filayay madaxweyne Xassan oo hadda un ku soo baraarugay khaladaadki uu galay markii uu rag badan kala soo baxay Saacid.

Xassan waxuu Saacid ka eegay hal dhinac, mana xeerinin waxa uu ku waayi karo Saacid iyo koox yar oo la fikir ah, balse maanta ayuu garwaaqsaday, waase goor ay middi uus ku tagtay oo ay kala dheceen xeero iyo fandhaal.

Saacid haduu sidan ku hadaafo, waxuu ka tegi doonaa magac xumo, Xassana waxaa sugeysa howl aan yareyn, horaa loo yiri, Naag la furay fadhi uma yaalo, ninkii furayna falkiisa ku noqoy.

Akhristow waxan jecleystay inaan ku soo gunaanado dhowr maah-maahood oo aad moodo inay cabirayaan xaalada taagan, waana sidan:

SAACID: Wan weyn illaa la gowraco indhihiisu cirka ma arkaan!.
XASSAN: Waxaanad filanany iyo fallaari waa kaa fuc-siiyaan!.
JUBALAND:  Manjo dhooqo leh, kuwo dhaqanaa ka roon!.
BEESHA CAALAMAKA: Manjo dhooqo galay, marba mid baa la siibaa!.
DOOXADA JUBBA: Ma ciil sokeeyaa ku haya, mise ciddi hoosteedaa lagaa hayaa?.
DOWLADDA DAMUL-JADIID: Maxay ka nuugtaa ama ku nuugtaa, bishimo iyo naaso midna maleh.

Saacid iyo Xasan wixii la wada duceystaba, maanta waxaa la marayaa heer la kala subxaanaleysto.

Salaamaad kulli aafaad.

W/Q: Bishaar Xaji
b.haji114@hotmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here