Faallo: Dikareetadii Gaas maxay kaga duwan tahay dhaqankii Muuse Boqor

Maalmihii u danbeeyay ee waqtiga gabagabada u ah Dowladda KMG ee hadda waqtiga ka sii dhammaanaya, ayaa Cabdiweli Gaas wuxuu ku sogootinayaa fowdo iyo inuu muujiyo kalsooni darro kala dhaxaysa Madaxweynaha, wuxuu jabshay xeerarkii nidaaminayay kala duwanaanshaha xilalka Madaxweynaha iyo midda Wasiirka koowaad. Wuxuu la yimid burburin wadashaqeyntii isaga iyo Madaxweynaha. Wuxuu soo qoraay wax lagu sheegy “Decaretto” oo uusan sharci u lahayn inuu soo saaro, taasoo ujeeddadeedu tahay inuu nusqaamiyo awooddii madaxweynahii isaga soo magacaabay.

Talaabooyinkiisa waxay ku qotomaan taariikho soo jireen ah oo leh nuxur galtiyeed iyo isagoo tixgelin la’ qaranimo inuu wax ku maamulaayo. Waxaa ka culeys batay afkaaraha Faroole iyo talooyinka guracan ee uga imaanaya deegaanadiisa xeerar beeleedka looga dhaqmo. Deegaanadaas waxay astaan u yihiin kala qeybinta Soomaaliya iyo horumar la’aanta xagga nabadda iyo midnimada Qarameed intaba.

Males Zenawi ayaa lahaa hindisaha iyo naqshadda lagu ebyay Maamul saldhiga looga dhigayo xeer beeleed deegaanada uu ka soo jeedo Cabdweli Gaas. Soomaaliya waxaa loo soo raray wax lagu sheegay Federalism oo ah nooc u ek midda hadda saldhigga u ah hab maamul siyaasadeedka Ethiopia .  Soomaalida inteeda kale ma ahan wax ay la qabaan ama dooranaayan in lagu saleeyo nidaamkooda dowladeed.  ujeedada Federaalka laga leeyahay, waxay tahay:

1-Soomaaliya iney yeelato Maamul daciif ah oo ay ka maqan tahay awoodaha sharciga ah ee Dowladda Dhexe, dowlad wanaag, qaybsanka kheyraadka, horumar dhaqaale iyo awood difaac.

2-In Tuulooyin iyo deegaano baadiye ah laga soo dhiso Dowlad Goboleedyo oo Jamhuuriyadda Soomaaliya hababkeed iyo heerarkeeda maamul lagu kala jebjebinaayo.

3-Xeerarka iyo dhaqamada Qabiilka in aasaas looga dhigo awood qeybsiga iyo hab dowladeedka Soomaaliya, sida lagu saleeyay axddi qarameedkii lagu jahawareeray.

Maamul beeleedyadii soo maray, kana jireen ilaa wixii ka dambeeyay 1997-dii Degmada Garoowe ayey waxay calaamad u tahay in ay noqoto goobo Males Zanawi ku tijaabinaayo in Soomaaliya yeelan nidaam Dowladeed ee wax tar u leh shacbkeeda iyo awood midnimo qaran leh oo dhinac kasta kala siman Dowladdaha madaqadda.

Dastuurka hadda la ansixiyay wuxuu yahay mid si sharci darro ah u badalay kii mudada 8-sano soo diyaariyeen guddigii madaxa bannaanaa. Addis Ababa iyo Nairobi ayaa ah xuddunta qaranimada Soomaaliya laga halagano, taasoo micnaheedu yahay in Soomaaliya nafsiyan la qabsado, iyadoo loogu soo dhuumanaayo xagga qaanuunka.

Hadii aan Taariikhda dib ugu noqono waxay Soomaaliya soo martay marxalado Taariikheed oo dhibaatooyin badan leh. Midda ugu darneyd, haddana muuqato waxay la mid tahay tii dhacday 1959-kii, Mar ay soo dhoweyn dhalashii Jamhuuriyadda Somalia. Waxaa la abuuray Xisbigii “Great Somali Leugue” oo Soomaalida u taqiinay “Xisbiga Gareetka” oo ay sameysteen dadkii ku noolaa xaafaddii loo aqoon jiray “Isku raran” ee ahayd deegaan kooban ee obosiifo ah,  Xamar kuga tiil dhinaca ceel-gaabta. Ujeeddada loo sameeyay xibigaas u jiray sida fowdada ah waxay ahayd iyada oo la diiddanaa inay dhalato Jamhuuriyadda Somalia oo ka kooban North-South.

Waxaan xusi karnaa labo dhacdo oo muhiim ah kana mid ah dhacdooyinkii faraha badnaa ee la isku dayayey in lagu waxyeeleeyo hadafkii SYL ee dhinacyada xorriyada iyo midnimada Soomaaliya. Dowladdii Daakhiliga aheyd ee ka jirtay Koofurta Soomaaliya ee Taliyaanigu maamulaayay, ayaa waxaa la weydiistay Muuse Boqor oo hayay xilkii Wasaaraddii Arrimaha Gudaha in uu keeno istiqaalad kadib markii sidaas ay fareen AFIS iyo maamulkii daakhiliyada, Wasiirka koowaadna ka ahaa, halyeeygii Soomaaliyeed, Mudane Cabdullaahi Ciise Maxamuud.

Muuse Boqor waxaa lagu helay khaladaad iyo wax isdaba marin ka hor imaanayay in ay dhalato Soomaali xor ah, lehna Midnimo Dowladdeed, waxaana laga eryay xilkii uu hayay, taasoo dhalisay caro iyo buuq ay sameeyeen Magaalada Mogadiscio dadkii deganaa xaafadii Isku-raran.

Sida uu buugaagtiisa mid ka mid ah ku qoray John Drysdale oo ahaa qunsulkii Dowladda Ingriiska u fadhiyay Xamar xiligii AFIS iyo Maamulkii Daakhiliyada wuxuu ku caddeeyay in sanadkii 1959-kii Siyaasiyiin dhowr ah, lagana xusi karo C/risaaq Xaaji Xuseen iyo Xaaji Muuse Boqor, warqad ay u qoreen Qaramada Midoobay waxay weydiisteen in dib loo dhigo Xorriyadda Soomaaliya ilaa muddo aysan cayimin, iyaga oo kasoo horjeeda in Waqooyi iyo Koonfur ay isku soo biiraan, isla markaasna awood qeybsiga dowladdu noqdo North-South.

Markii riyadaas run noqon weysay, waxay soo jeediyeen in wax loo qeybsado “Irir iyo Daarood”, taasoo hirgeshay. {Xukuumaddii ugu horreysay ee C/rashiid wuxuu Isaaq ka helay Labo Wasiir, Hawiye Afar iyo Daarood oo Lix Wasiir qaatay}. Waxaa halkaas laga garan karaa in Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku dhalatay qaab ay tanaasulaan Hawiyaha, Raxanweyn iyo Soomaalida Waqooyi.

Tii mid la mid ah ayaa Faroole iyo Gaas oo la kaashanaya wadamada deriska ah in la soo celiyo oo ay hirgasho horboodayaan, ujeedadeeduna waxay tahay:

1-In ay dhalato Dowlad taag daran oo aan habayaraatee aan goyn karin masiirka ummadda, maamul beeleedyadana yihiin kuwa awooda sare leh.

2-In laga hortago soo noqoshada Somaliland oo dib ula midoowda Soomaaliya, si aan u sameysmin awood qeybsi Waqooyi iyo Koonfur, taasoo u arkaan inay ka horimaanayso himaladooda qabyaaladeed.

Sidaas darteed in la arko wax lagu sheegay Dikareeto ama xeer lagu jabinaayo awoodda Madaxweynaha, ma ahan mid lagu micneyn karo iska horimaad caadi ah iyo sharci jabin, Bal waxay kaso jeeddaa hadaf xiriir la leh taariikhahaas marxaliga ah. Dad badan ayaa Abdiweli Gaas ku dhaliila waayo aragnimo la’aantiisa dhinaca waajib-gudashada iyo isaga oo lagu eedeeyo inuusan waxba aqoon dowladnimada iyo shuruucdeeda. Aqoon kuma helin xilka, wuxuu ku yimid dhagarta 4.5 taasoo Danaha ugu jira ay tahay inuu soo nooleeyo hadafyo hore ee guracan, casrigan la joogana aan geygiyaga Soomaaliyeed ka socon karin.

Qormada http://www.warfaafiye.com 

Fadlan hadaad qaadaneyso xigasho ku samey qormada Warfaafiye

Taladiina, dhaliishiina iyo amaanta noogu soo hagaajiya Emailka Warfaafiye@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here