Faallo: AMISOM miyaa laga sugayaa Maamul-u-samaynta goobaha laga saaray Al Shabaab?

Faallo: AMISOM miyaa laga sugayaa Maamul-u-samaynta Deegaanadda laga saaray Al Shabaab?
Faallo: AMISOM miyaa laga sugayaa Maamul-u-samaynta Deegaanadda laga saaray Al Shabaab?

Tan iyo markii dagaalladda ka dhanka ah Golihii Maxkamadaha Islaamka la bilaabay sannadkii 2006-dii waxaa bartanka laga galay dagaallo wejiyo kala duwan leh.

Waxaana ugu tunka weyn dagaalka aan dhamaadka lahayn ee Dowladda Somalia iyo Isbahaysiga la safan kula jiraan Xarakadda Alshabaab oo haatan galay sannadkii 7-aad.

Dowladihii KMG iyo Ciiddamadda AMISOM ee dalka u jooga Hawlaha Nabad-ilaalinta waxay dagaal aan loo kala harin ku wadaan Dagaalyahannadda Alshabaab oo iyagu inta badan xeellado dagaal oo cusub ku soo duullaan taga.

Xeeldheerayaasha ayaa rumaysan inaan weli laga adkaanin Alshabaab, inkastoo ay lumiyeen Degaanno muhiim ahaa oo ku yaalla Goballadda Bakool, Gedo iyo Hiiraan.

Dagaalladda isbuucii saddexaad socda ayaa waxa uu soo jiitay Indhaha Caalamka, oo iyagu horey u dhaliili jirey Dowladda iyo AMISOM, waxayna khubarada Milliteriga u arkaan inuu dagaalku haatan bilow yahay.

Dowladda Maraykanka oo miisaan culus ku leh maalgelinta iyo taageeradda hubka iyo Lojistikadda ee lagula dagaalamayo Xarakadda Alshabaab ayaa dhawaan ammaan u jeedisay Ciiddamadda AMISOM iyo kuwa Dowladda, kadib, markii ay maalmo kooban gudaheeda kula wareegeen dhowr Degmo oo ay Xarakadda Alshabaab maamuli jireen shantii sanno ee la soo dhaafay.

Urur-gobaleedka IGAD iyo Dowladaha safka hore ayaa iyagana u arkaa gulufka colaadeed ee haatan lagu jiro Alshabaab mid lagu kala bixi doono, iyagoo saadaalinayo inay awoodii Ururka Alshabaab sii shiiqmayso.

Saraakiisha dejisay Qorshaha Dagaalka ayaa laga dareemayaa inay doonayaan inay dhowr aag oo kala fog Juqraafi ahaan ka weeraraan Deegaannadda ay Xarakadda Alshabaab ku xooggan yihiin, taasi oo ay haatan horumar ka samaynayaan.

Waxayna Xeeldheerayaasha rumaysan yihiin inay Alshabaab isticmaalayaan Xeelladdaha Milliteriga ee Dib-u-gurashadda iyo faarujinta goobaha lagu soo wajahan yahay, waxayna tabahaasi Alshabaab ka saacidi karaan inay sii haystaan kaydad badan oo saanad iyo shidaal leh.

Horumarka Ciiddanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ka sameeyeen Goballadda Bako, Gedo iyo Hiiraan ayaa waxay guul u tahay Dowladda, oo dhib xooggan ka haystay si Maamulka Dowladda Dhexe loogu ballaariyo Goballadda Koonfurta Somalia.

Xeeldheerayaasha naqdiya Dowladda ayaa rumeysan inaysan Dowladda weli u diyaar-garoobin sidii Maamullo loogu dhisi lahaa Degmooyinka lala wareegay.

Miisaal ahaan Gobalka Bakool ilaa iyo hadda ma jiraan xubno ka tirsan Hay’adaha Dowladda oo booqday Deegaannadda la soo geliyey gacanta Dowladda.

Mana jiraan wax miisaaniyad lacageed oo ay Dowladda u qoondeysay Dib-u-dejinta Barakacayaasha iyo diyaarinta Maamulladda KMG ee Degmooyinka, waxayna malaha u haystaan Madaxda Qaranka inay hawshaasi qeyb ka tahay Mandheetka AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here