Faahino kusaabsan Qaraxyo xalay Gil Gilay Islii iyo Khasaaraha ka Dhashay oo Sii kordhaya

Inta la xaqiijiyey qaraxyada oo ahaa seddex qarax oo bambaanada gacanta laga tuuro waxaa ku waxyeelobay seddex qofood oo dhaawacantay waxaana goobta la weeraray ahayd buqcad ay dadka Kenyanka xalay ku feysteenayeen khamrana ku cabayeen.

Wariye katirsan Idaacada Capital Fm ee ka howlgasha Nairobi Kenya ayaa kuwaramaya in meesha qaraxa uu ka dhacay mar uu tagay uu ku arkay bur bur ku yimid kuraastii lagu fadhiyey iyo dhiig dhex daadsanaa gudaha Club-ka.

Waxa uu sheegay wariyaha inan lagu deg deign sawirka guud ee meesha in laga tusaale qaato oo khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay la odoroso isagoo taasi ku micneeyey dadka meesha goob jooga u’ahaa oo xitaa hadal saxan naxsanaan darted kuu sheegi Karin.

Sargaal uhadlay ciidamada Amaanka oo Juju Road saxafiyiinta kula hadlay ayaa sheegaya in dhaawaca 1 qofood ay og yihiin waxaase saaka wararka madaxa banan sheegayaan in seddex ay tahay dadka dhaawacmay dad dhintayna lasheegayey.

Al shabaab ayaa idaacada Andalus ee afkooda ku hadasha waxay ka sheegteen in iyagu ay ka dambeeyeen qaraxyadii xalay ka dhacay Club-kaasi Islii kuyaalla waxayse ka gaabsadeen ka hadalka khasaaro hadii ay og yihiin.

Carada iyo ciilka loo qabo Somalida Islii waxaa sii kordhinaya qaraxyada sil silada ah ee wali ka dhacaya magaalada Nairobi xilli wali uu dhaawacan yahay Xildhibaan Yuusuf xasan (Indha-gamuun) oo Somalida udoodi jiray udifaaci jiray markay arimahan camal yimaadaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here