Muqdisho: Dooddii Mooshinka RW Saacid oo dib loo dhigay

deg deg ahBaarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Kulan uu ku yeeshay Muqdisho, waxa ay dooddeen mooshin laga keenay raysal wasaaraha Soomaaliya.

Kulanka ayaa maanta lagu qaybiyay moshinki ay so saxiixeen 168 Xildhibaan sida uu sheegay afhayeenka baarlamaanka.

Waxaana goob joog ahaa kulanka 248 Xildhibaan. waxaa is qoray si ay dooda uga qayb galaan 83 xildhibaan, Xildhibaankii wuxu waqti heystaa 3 daqiiqo xiliga dooda, waxaa loo balamay in birri ay bilaabato dooda Mooshinka, sida uu sheegay afhayeen baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo maanta shirka guddoominayay.

Wariyaasha ayaa toos loogu ogolaaday in a tebiyaan kulanka baarlamaanka oo maanta xasaasi ahaa.

Xubno aan yareen oo baarlamanaka ka tirsan ayaa kasoo horjeeda in Reysal-Wasaaraha laga eryoi xafiiska, waxaana taageereysa fikrad ah hadii isaga la tuuro yay tahay cida bedeleeysa?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here