Faahfaahino kasoo baxaya qaraxyo ka dhacay Gaalkacyo

Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo mataano ah oo maanta barqadii ka dhacay qeybta waqooyi ee magaalada Gaalkacyo gaar ahaan qeybta uu xukumo maamulka puntland.

FB_IMG_1471769128987

Qaraxyadaan oo sida la sheegay ahaa kuwo is miidaamin ah ahaa la sheegay in mid kamid ah lala beegsaday xaruunta Doowlada hoose. Halka qaraxa 2aadna uu ka dhacay suuq ay dadka ku badanyihiin oo halkaas ka ah dhaw.

Ilaa iyo hada lama xaqiijin karo halka uu la egyahay khasaaraha ka dhashay. Balse waxaa lasoo sheegayaa dhimasho iyo dhaawac ineey jiraan.

“Waxaan ku sugnaa gurigeyga oo waxyar ka fog halka uu qaraxa ka dhacay. Waxaan ka baqay in guriga igu soo dumo” sidaas waxaa midnimo u sheegay goobjooge ka ag dhawaa qaraxa.

gaalkacy

Wixii faahfaahin ah kala soco modnimo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here