Faahfaahin:kulumadi xalay laciyaaray ee Horyaalka Ingiriiska

Kadib guuldaradii soo gaartay kulkankii furitaanka horyaalka ingiriiska ayaa naadiga Man United waxay shalay iska daahirisay guul daradaas kadib markii ay 3/2 kaga adkaatay dhigeeda Fulham.

Ciyaaryahanka Fulham Duff ayaa sadex daqiiqo kadib bilawgii ciyaarta Man United kaga naxsaday gool,laakiin 10 daqiiqo kadiba waxaa u jawaabay Ciyaaryahanka dhowaan ay man utd kala soo wareegtay naadiga Arsenal ee R.V.persie oo gool aad u caaqibo badnaa kadhaliyay kaasoo ciyaarta kadhigay 1/1/.

Daqiqiadii 35-aad ee ciyarta ayaa wiilka yar ee kasoo jeeda wadanka Moobeelada Kagawa ayaa shayaadiinta cascas usaxiixay goolka labaad islamarkaasna ahaa goolkii koowaad uu kasaxiixo horyaalka ingiriiska,kahor inteysan dhamaan qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa goolkii 3-aad Man utd usaxiixay wiilka reer Brazil Rafael oo shalay ahaa mid celcelis ah,goolka ayaana ahaa mid uu madaxa siqurxan ugu dhaliyay.

Laakiin markii layskugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayay Fulham latimid gool labaad taasoo ciyaarta akdhigtay 3/2.

Sidaas ayayna shalay Man united ku gaartay guushii ugu horeesay ee horyaalkan bilawga ah waxaana xusid mudan in shayaadiinta cascas ay guul daro ku daahfureen bilaawgii ciyaarahan ka gadaal markii ay Everton 1/0 kusoo garaacday.


Dhanka kale naadiga Chelsea ayaa sii wada guulihii isdaba jooga ahaa kadib markii ay shalay guushii 3-aad oo isku xigta ay ka gaareen naadiga New Castle.

Laacibka ay saxaafada ingiriiska beryahabo hadalhayaan soona bandhigay ciyaaro aad loola dhacay ee Edin Hazard ayaa goolka koowaad u daahfuray Chelsea daqiiqadu markeey ahayd 22,iyadoo goolka 2-aadna uu sii raacsaday wiilka reer Spain ee Fernando Torres kaasoo kusoo laabtay wadadii Gooldhalinta.

Sidaa darteed Chelsea waxay sidaa kuyeelaneeysaa 9dhibcood oo nadiif ah,3-dhibcood ayayna hada hogaanka ugu haysaa horyaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here