Faahfaahin & Sawiro: Baarlamaanka HirShabelle oo doortay Madaxweyne & Ku Xigeen

cosobleBaarlamaanka maamulka Hirshabele ayaa madaxweyne u doortay Cabdi Cabdulahi Cosoble oo helay codad gaaraya 61 cod.

Waxaa la tartamayay Maxamed Cabdi Waar oo isna helay 36 cod. Baarlamaanka maamulka Hirshabeele ayaa maanta fadhigan doorashada ku yeeshay magaalada Jowhar.

besa_3

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta Xildhibaanada, isagoo sheegay in 98 xildhibaan ay codeysay, 61 cod uu helay Cali Cabdullaahi Cosoble, halka 36 cod uu helay Maxamed Cabdi Waare, halka Hal cod uu xumaaday.

Dhinaca kale Xilka Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle waxaa u tartamayay Musharaxiinta kala ah Cali C/laahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Cali Xasan Hilowle (Cali Taakow).

besa_4

Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Maamulka Hirshabeelle ayaa loo doortay Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo helay 86 cod halka Cali Xasan Hilowle (Cali Taakow) oo la tartamayay uu helay 10 cod.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa intooda badan codkooda siiyay Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Maamul goboleedkan ayaa noqonaya kii shanaad ee laga hirgeliyo Soomaliya oo qaadatay nidaamka federaalka.

Balse waxaa weli jira dad ka soo horjeeda maamulkan cusub ee Hirshabeele gaar ahaan odoyaal jooga magaalada Baladweyne oo diidan maamulka Jowhar laga unkay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here