Faahfaahin kasoo baxaysa Fanaanada Saado Cali Warsame oo Shil Gaari Ku Dhaawacantay

Fanaanada qaranka Soomaaliyeed (Saado Cali Warsame) ayaa mardhow ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Nugaal ee maamul Goboleedka

Wasiirka Kaluumaysiga iyo qeyraadka badda ee Maamulka Puntland ayaa Faahfaahin ka bixiyay qaabka ay u dhaawacantay Faanada Saado Cali Warsame.wasiirka ayaa xaqiijiyay in dhaawaca Saado Cali Warsame,oo ka dhacay meel 30 Km u jirta magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland.

Sidookale wasiirka waxa uu sheegay in shilkan gaari uu ku geeriyooday Wariye Maxamed Cali Ciise oo la sheegay in Saado uu kasoo raacay magaalada Nairobi.

“Gaariga Daasad buu ka dhigay gaariga kale ee shilka galay,hadda Alxamdulilaahi Wariye Maxamed Cali,ayaa ku dhintay shilka darawalkii iyo wariye ka tirsan madaxtooyada ayaa dhaawacmay” sidaa waxaa yiri Maxamed Aadan Faarax (wasiirka kaluumeeysiga iyo qeeyraadka Badda Puntland.

Wasiirka oo wareysi siinayay mid kamid ah idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in markii koowaad ay Saado ugeeyeen Isbitaalka sida ineey dhimatay oo kale balse ay dhaqaatiirta usheegeen ineey nooshahay oo ay suuxsantahay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here