Faahfaahin kasoo baxaya Qaraxyo lagu Weeraray Masuuliyiinta Maamulka KMG ee Kismaayo

Al shabaab ayaa xalay weeraro bambaanooyin ah ku weeraray gur ay kusugnaayeen saraakiil katirsan maamulka Kmg ah ee kismaayo ka jira.

Qaraxyada oo ahaa afar nuucooda gacanta laga tuuro ayaa waxa lala bartilmaameedsaday saraakiishaasi waxaana la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee qaraxa kasoo gaaray mas’uuliyiinta halkaasi kusugneyd.

Taliyaha Booliska Saldhiga Kismaayo Axmed Diini oo saxaafada la hadlay waxa uu sheegay in afar bambaano lagu weeraray goob ay kusugnaayeen waxaase uu ka gaabsaday khasaaro hadii ay geysteen iyo in kale.

“Waa run afar qarax ayey nabad-diidka nagu soo weerareen xalay hayeeshee waa la iska caabiyey ayuu yiri taliyaha saldhiga booliska Kismaayo Axmed Diini”.

Waxa lagu soo waramayaa in ciidamada dawlada ay saaka halkaasi ka wadaan howlgalo ballaaran oo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey qaraxyadaasi iyadoona ilaa hadda aan lasoo sheegin dad la qabtay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here