Faahfaahin ka soo baxaysa qaraxyo ka dhacay magaalada Nairobi

Labo qarax oo ka dhacay xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa waxaa ku dhaawacmay dhowr ruux oo uu ku jiro taliyihii booliska deegaankaas,

Dadka wax ku gaaray qaraxan ayaa la sheegay inay u badnaayeen qaar ku soo xoomay goobta markii uu qaraxii hore dhacay iyadoo qaraxuna uu ka dhacay wadada la yiraah Muratina Road.

Booliska magaalada Nairobi ayaa hore waxa ay ugaga digeen dadka rayidka ah inay u soo dhowaadaan goobaha ay qaraxyada ka dhacaan, iyagoo ku tilmaamay in uu jiro qorshe ay ku doonayaan Alshabaab in dad badan ay halkaa ku laayaan marka ay dadku ku soo xoomaan goobta uu qaraxu ka dhaco.

Sarkaalka madaxda ka ahaa saldhig booliska ee Pangani ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay goobta.

Sarkaal u hadlay booliska ayaa sheegay in qaraxyada ay ahaayeen kuwa dhulka lagu aaso oo laga hago remotka kaasoo suurtogal tahay in loo isticmaalo taleefanada gacan qaadka ama mobilka.

30kii bishii hore ayay ahayd markii wiil sagaal jir ah uu ku dhintey siddeed kalana ay ku dhaawacmeen kadib markii bam lagu tuuray xarun ay diinta kirishtaanka ku baranayeen.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here