Faahfaahin ka soo baxaysa ciidamada dowlada iyo AMISOM oo la wareegay degmada Wanlaweyn

Wararka ka imanaya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabelaha Hoose ayaa sheegaya in dadka degmadaasi ay saaka bililiqo ku bilaabeen xarumihii degmada Wanlaweyn ay ku lahaayeen ururka Alshabaab kadib markii xalay ay isaga baxeen degmadaas.

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa xalay galay qeybo kamid ah degmada Wanlaweyn iyagoo saaka isku fidiyey guud ahaan degmadaas fariisinana ka samaystay wadooyinka laga soo galo magaalada Wanloweyn.

Degmada Wanlaweyn ayaa noqoneysa degmadii saddexaad ee ka mid ah gobolka Sh/hoose ee ay ciidamada dowlada la wareegaan. Iyadoo gobolka kale ee deriska la ah magaalada Muqdisho ee Sh/dhexe ay ka taliyaan ciidamada dowlada labada degmo ee Balcad iyo Warshiiq iyagoo aan gaarin weli degmada Jowhar ee xarunta u ah gobolka Sh/dhexe una jirta magaalada Muqdisho 90km.

Waana degmadii ugu horeysey ee lala wareego kadib markii uu  madaxeyne Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya Saacid Faarax.

Saraakiisha dowlada ee hogaaminaysa ciidamadan ayaa sheegay in ay doonayaan in ay gaaraan deegaano horleh oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here