FaahFaahin: Inkabadan 28 ruux oo ku dhimatay qaraxa Ankara

Qaraxa Ankara
Qaraxa Ankara

Ugu yaraan 28 qof ayaa waxa ay ku dhinteen qarax gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo ka dhacay caasimadda waddanka Turkiga, ee Ankara, iyadoo in ka badan 60 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen.

Saraakiisha ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay xilli basas ay leeyihiin milateriga ay ku istaageen samaafaraha ama nalka taraafikada meel u dhaw baarlamanka iyo xarunta dhexe ee milateriga dalkaasi.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo baajiyay safar uu ku tegi lahaa dibadda ayaa waxa uu wacad ku maray in uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray fulayada qaada weerrarada noocan oo kale ah iyo cidda ka dambeysaba.

Ila wareed ka tirsan ammaanka Turkiga ayaa waxa uu durbadiiba farta ku taagay kooxda la mamnuucay ee dhaqdhaqaaqa gooni u goosadka Kurdiyiinta ee PKK.

Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in xulafada NATO ay ka garan taagan yihiin Turkiga dagaalka ay kula jirto argagixisada.

Ciidammada Turkiga ayaa dhawaan waxa ay xoojiyeen weerrarada ay ku hayaan maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee Suuriya, kuwaasi oo ay Turkidu leedahay waxa ay ku xiran yihiin PKK.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here