Hoobiyaal xaley laga maqlay Muqidsho

Hoobiyaal ku soo dhacay Muqdisho
Hoobiyaal ku soo dhacay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa xaley fiidkii ku soo dhacay dhowr hoobiyaal ah, kuwaasoo aan la ogeyn meesha laga soo tuuray.

Meelaha ay ku dhaceen hoobiyaasha waxaa ka mid ahaa wadada Makah Al-Mukaramah oo ka mid ah meelaha sida weyn loo waardiyeeyo oo ay adeegsadaan madaxda dowladda.

Hal qof ayaa la sheegay in uu ku dhintay hoobiyaasha ku soo dhacay xaafadaha magaalada Muqdisho.

Ilaa hada ma cada kooxda soo tuurtay madaafiicda xaley fiidkii ku dhacay wadada Makah Al-Mukaramah iyo meelo kale.

Al-Shabaab ayaa sheegta inta badan madaafiicda iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here