Faahaafahin kasoo baxday qaraxi Gaarisa

Inta la ogyahay 10 ruux ayaa ku nafweysay ku dhawaad 50 kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib weeraro bambaano oo maanta lagu weeraray kaniisado ku yaala magaalada Gaarisa ee dalka Kenya.

Gaarisa  oo ah magaalo ku taala gobolka waqooyi bari ee Kenya  ay ku badanyihiin  Soomaalida  ayaa maanta ku jirto xaalad qasnaan ah.

Magaalooyinka kuyaal xuduuda ay wadaagaan Somaliya iyo Kenya beryahaanbo waxaa kajiray xaalado amaan xumo oo isugu jira afduub lagula waday dalxiisayaasha iyo qaar kamid ah hay’adaha samafalka, sidookale waxaa jiray dhowr qarax oo lala bartilmameedsaday hay’adaha amaanka ee Kenya.

Philip Ndolo waxa uu sheegay in 5 kamid ah nimanka weerarka kusoo qaaday kaniisada AIC ay isticmaalayeen Bamka gacmaha laga tuuro iyo qoryaha darandooriga udhaca.

Dhowaan ayay ahayd markii kooxo hubeysan ay xerada Dhadhaab kasoo afduubeen 4-kamid ah shaqaale Norwiijiyaan ahaa sidookalena ay dileen darawalkii uwaday gaariga ilaa iyo hadana lama oga meel ay la aadeen kooxihii afduubtay.

Garissa oo ah caasimada Gobolka Waqooyi Bari Kenyaayaa waxay 130km ujirtaa xuduuda Somaliya.

Dolwada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii hore waxay ciidamo usoo dirtay gudaha Somaliya si ula dagaalamaan dagaalyahanada Al-shabaab oo ay ku eedeeysay ineey masuul ka ahaayeen dhowr afduub oo lagula kacay dalxiisayaal kusugnaay gudaha wadankaKenyakuwaasoo loola soo baxsaday Somaliya.

Ururka Al-shabaab ayaa dhowr mar sheegtay masuuliyada qaraxyo kadhacay gudahaKenyakuwaasoo ay ku dhinteen dad farabadan.

By: Sami Adow.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com