Faah-fahin:Dagaalo maanta ka dhacay Gedo

Wararka ka’imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maalintii labaad uu dhacay dagaal udhaxeeya Ciidamada doowlada Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab.

Dagaalka maanta ayaa kadhacay meel 16km dhinaca waqooyi bari kaxigta magaalada Garbahaareey, wuxuuna bilaawday markii qaar kamid ah Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Ciidamo wadajir ah oo halkaa marayay.

Dagaalka maanta ayaa ka cuslaa kii shalay waxaana la sheegayaa in laysku adeegsaday qoryaha BM-ka iyo nuucyada hubka Artilariga.

Si rasmi ah looma oga qasaaraha balse Saraakiil katirsan Ciidamada doowlada ayaa sheegay in dhinacooda hal askari uu kadhintay sadex kalena uu dhaawac soo gaaray, iyadoo kooxda Al-shabaab iyagana ay sheegteen in dagaalkaas ay ku dileen Askar katirsan doowlada.

Dagaaladan dib usoo cusboonaaday ee ka qarxay gobolka Gedo ayaa ku qasbay dad badan ineey isaga cararaan deegaanadii ay daganaayeen, dagaalka oo qaatay mudo ayaa markii dabe iskiis usoo qaboobay, mana jirto ilaa iyo hadda wax war ahoo kasoo baxay labada dhinac.

Ciidamada doowlada ee dagaalka maalintii labaad qabsaday ayaa lasheegayaa in qorshohoodu yahay sida ay Al-shabaab uga qabsan lahaayeen degmada Buur-dhuubo oo katirsan gobolka Gedo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here