Faah-faahin:Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Ka Bad baaday Weerar Ismiidamin ah

Ugu yaraan 11 qof oo rayid ah ayaa geeriyootay kadib markii gaari nuuca raaxada ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa lala bartilmaameedsaday kolonyo uu la socday wasiirka arimaha gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed.

Qaraxa ayaa ka dhacay isgoyska KM4, gaar ahaan wadada aada dhanka Tarabuunka, oo ah meel aad u mashquul badan dadkuna ku badanyahay, waxaana ku taal boosteejo laga raaro baabuurta aada Baar-ubax.

“Dhowr qof ayaa dhimatay, qaraxa waxa uu ahaa mid aad u weyn, waxay indhahaygu qabteen 11 qof oo meyd ah oo jirkoodu gubtay” sidaa waxaa wakaalada wararka AFP usheegay Maxamed Aadan oo katirsans araakisha Ciidamada booliska.

Sidoo kale goob jooge ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay, ayaa midnimo.com u sheegay in in dhihiisa ay qabteen ilaa 8 qof meydkooda kuwaasoo dhulka daadsa, iyo dad dhaawac ah.

Sidoo kale goob jooge ayaa noo xaqiijiyay inuu arkayay ilaa 4 gawaarida qafilan ah oo wasiirka arimaha gudaha lasocday oo meesha ku gubtay, laakiin lama xaqiijin in wasiirka uu saarnaa iyo inkale.

Afartii maalin ee lasoo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxay ahayd mid kala xiran, gaar ahaan wadooyinka muhiimka ah ayaa ahaa kuwo xiran gabi ahaan sababo amaan darted.

Bishii lasoo dhaafay aayay ahayd markii 9 nin oo ku labisan dareeska Ciidamada doowlada ay weerar ku qaadeen dhismaha maxkamada Gobolka Banaadir, waxaana halkaas ku dhintay dad gaaraya ilaa 30, oo ay ku jireen qareeno Muqdisho caan ka ahaa.

Sidoo kale Bishii March 10-keeda ayay ahayd markii uu qarax ismiidaamin ahaa ka bad baaday taliyaha nabad sugida gobolka banaadir Khaliif Ereg, waxaana qaraxaas ku nafwaayay ilaa 10 qof, masuuliyada weerarkaasna waxaa shegtay ururka Al-shabaab.

Inkastoo ay Ciidamada AMISOM iyo kuwa doowlada ay laba laabeen dagaalka ay kula jiraan shabaab, hadana Al-shabaab waxay dhankooda kordhiyeen weerarada ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah iyo qaraxyada Ismiidaminta ay ka geystaan Muqdisho.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here