Faah faahinta kulamadi xalay ee koobka Europe League

Waxaa xalay la ciyaaray kulamo xiisa leh oo ka tirsan tartanka Europe League oo ah kan labaad ee ugu wanaagsan Qaarada Yurub.

Kooxda Manchester United ayaa guuldaro culisi kasoo gaartay xalay tartanka Europa League kadib marki ay gurigeeda Old Trafford ku garaacday kooxda Athletic Bilbao  ee dalka Spain oo ku awood roonaatay 3-2.

Ciyaartaasi oo aheyd mid aad u xiisa badneyd ayey ciyaartooyda United soo bandhigeen ciyaar aanan la jecleysan, waxaana aad uga fir fircoonaa xidigaha Bilbao.

Sadexda gool ee ay ku badiyeen Atletic Bilbao waxaa kala dhaliyey Fernando Llorente, Oscar de Marcos iyo Iker Muniain, halka Manchester uu laba gool siiyey Weyney Rooney, waana guuldaradi labaad oo ay garoonkeeda kala kulmeyso kooxaha Yurub, bishi hore ayaa waxa 2-1 ku garaacday kooxda Ajax.

Dhalinyarada macalin Ferguson ayaa badiyey hal kulan oo qura shanti kulan ee ugu danbeysay ee ay garoonkeeda ku ciyaareen cilli ciyaareedkaan ee horyaalada Yurub.
Laakin macalinka kooxda wuxuu leeyahay goolki uu xalay ka dhaliyey De Marcos waxa uu ahaa offside waxaana uu dareemayaa in garsoore Florian Meyer oo ah nin u dhashay dalka Jarmalka uu sameeyey qaladaad isaga oo bilisyoone ka dhigay qalad uusan galin Patrice Evra.

Sir Alex Ferguson waxa uu laakin qiray in kooxdiisa ay soo bandhigtay ciyaar aanan u qalmin, isaga oo ku adkeystay inuu kusoo badin doono garoonka Athletic Bilbao.

Ciyaaraha kale ee la cyaarayna kooxaha waxay isu arkeen sidan:

Atletico Madrid    3 – 1    Besiktas
FC Twente Enschede    1 – 0    Schalke
Metalist Kharkiv    0 – 1    Olympiakos Piraeus
Sporting Lisbon    1 – 0    Manchester C.
AZ Alkmaar    2 – 0    Udinese
Manchester U.    2 – 3    Athletic Bilbao
Standard Liege    2 – 2    Hannover
Valencia    4 – 2    PSV Eindhoven.