Faah Faahin:qaraxyadi Xaafada Islii Xalay Kadhacay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo xalay abaare sideedii Fiidnimo ka dhacay xaafada Islii ee magaalada Nairobi,

Madaxa booliska  magaalada Nairobi Moses Ombati, ayaa saxaafadda u sheegay in qaraxyadii xalay ka dhacay xaafadda Islii ay ku dhaawacmeen illaa labo qof oo dhammaantood ah rayid.

Sidoo kale Wuxuu sheegay inay wadaan baaritaano, ku aadan siddii lagu ogaan lahaa weerrarada ka dhaca xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Dhinaca kale, dadka Soomaalida ee ku dhaqan Islii, ayaa waxa la soo darsay cabsi ballaaran,kaddib markii qaraxyo xiriir ah ay ka dhaceen xaafadaas.

Hal ruux ayaa la xaqiijiyey inuu geeriyooday ku dhowaad 13 ruux oo kalana way ku dhaawacmeen qaraxyada oo ahaa labo bambaano oo isku xigtay oo lagu tuuray gudaha masjidka xilli laga soo baxayey masjidka oo Salaadii Cishaha lagu soo tukaday.

Qofka geeriyooday waa haweeney Soomaali ah oo goob khufaarta lagu iibiyo ku heysatay agagaarka masjidka.  Waxaa kaloo xaaladeedu culus tahay gabar kale oo 16-jir ah oo goobta ka agdhoweyd markii uu qaraxyadu ay dhacayeen kuna dhaawacantay qaraxyada bambooyinka ee lagu tuuray masjidka.

Ma jirto koox si rasmi ah u sheegatay weerrarada ka dhaca Xaafadda Islii, laakin dowladdu waxa ay ku eedeesay kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya

Ammaanka xaafadda Islii ayaa aad loo adkeeyay, waxana la dhigay meel kasta ciidamo ammaanka suga.

Islii waa xaafadda ay ugu badan tahay Soomaalida ku nool Kenya, gaar ahaan kuwa jooga caasimada, waxa ay ku lee yihiin ganacsiyo waawayn iyo dhismooyin.

Qaraxyadaan ayaa kusoo aadaya xili doowlada Kenya ay Soomaalida kunool dalkaas ku amartay ineey isaga guuraan oo ay iska xaadiriyaan xeryaha qaxootiga,, Soomaalida ayaa had iyo jeer ah dhibanayaasha ay soo gaaraan dhibaatooyinka qaraxyada, maadaama Kenyaanku ay aaminsanyihiin ineey masuul kayihiin dhibaatooyinka kadhaca dalkaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here