Faah Faahin:Qarax goordhow ka dhacay xaruunta Dahabshiil ee Muqdisho

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay qarax weyn oo goordhow ka dhacay xaruunta Dahabshiil, ee magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday gaari laga soo buxiyay walxaha qarxa, Al-shabaab ayaa maalmo kahor Albaabada iskugu dhuftay Xaruumaha ay Dahabshiil ku leedahay gobolada ay wali ka taliyaan.

Qaraxaan ayaa waxaa dhaawac uu kasoo gaaray 2 qofood oo goobta ka ag dhaweyd.

Al-shabaab, ayaa iyagu caan ku ah ineey lacago baad ah ka qaadaan shirkadaha waaweyn, gaar ahaan goobaha ay ka taliyaan, waxaana khilafkan soo kala dhexgalay shirkada iyo kooxdan loo badaniyaa ineey salka ku hayso arimo dhaqaale.

Sidoo kale Al-shabaab, ayaa shalay xabsiga dhigay Odoyaal ku dhaqan magaalada Mahadaay ee gobolka Shabeelada dhexe, waxaana la sheegay ineey ku qasbeen ineey lacago baad ah kasoo aruuriyaan dadka deegaanka, lacagtaasoo sida la sheegay gaareysa 100,000$.

Al-shabaab, ayaaa hada waxaa laga saaray magaalooyin iyo deegaano farabadan, waxaana jira cadaadis kasoo wajahaya dhowr dhinac, sida Ciidamada doowlada Soomaaliya, AMISOM, Ethiopia, Ahlusuna, falalkaan ugu danbeeyana waxay ka turjumayaan sida ay dhibaatada weyn ugu haayaan ummada Soomaaliyeed.

Maahan baada kaliya dhibaatada ay umada ku haayaan, ee waxaa sii dheer dilal joogta ah, gowrac, iyo jajuub ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, ilaa iyo hadana majirto Siyaasad cad oo ay doowlada ka dajisay sida loola dhaqmayo ragga kamidka ah Al-shabaab ee gacanta lagu soo dhigo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here