Faah-faahino kasoo baxaya weerar Ismiidaamin ahaa oo maanta ka dhacay Gaalkacyo

Qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Baabuur ayaa maanta lagu weeraray Taliye ku xigeenka Ciidanka booliiska ee Puntland Jeneral muxyadiin Axmed Muuse magaalada Gaalkacyo.

Jeneralka ayaa qaraxaas ka badbaaday balse waxa soo gaaray dhaawac, sidokale qaraxaas waxaa ku dhaawacmay 14 qof oo ay ku jiraan Ciidan iyo dad rayid ah.

Ururka Al-shabaab ayaa bogga ay ku leeyihiin Twitter-ka ku sheegtay in ay iyagu ka danbeeyeen weerarkaas, waxayna sheegeen in ay ku dileen lix qof oo uu ku jiro Taliye ku xigeenka Boliska Puntland, balse taliyaha oo Saxaafada lahadlay ayaa sheegay inuu Caafimaad qabo soona gaaray dhaawac fudud.

Weerarka ayaa ka dhacay meel ku dhaw Qaybta Gobolka Mudug, waxaana weerarka loo adeegsadey gaari noociisu yahay Toyoto Crown, kaas oo lagu soo xirey waxyaabaha qarxa, gaariga ayaa afka hore kaga dhacay gaari uu saarnaa Taliye kuxigeenka Booliska Puntland Muxyadiin Axmed Aw-musse.

Dhimashada ka dhalatey weerarkan ayaa ah hal qof oo ah ninkii weerarka soo qaadey oo keliya waxaa ku dhaawacmey 9 qof oo ka trirsan ciidanka Booliska oo uu ku jiro Gen.Muxyadiin Axmed, inkasta oo dhaawaca taliyaha soo gaarey uu yahay mid fudud isla markaana uu la hadley warbaahinta, sidoo kale waxaa qaraxa dhaawac ka soo gaarey laba qof oo rayid ah oo goobta ka agdhawaa.

Waxaa goobta yimid Ciidamada PIS, kuwaas oo qaatey gaarigii weerarka loo adeegsadey iyo meydkii qofkii weerarka soo qaadey.

Weerarkan maanta ka dhacay Gaalkacyo gaar ahaan qaybta Puntland maamusho ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee nuuciisa ah oo halkaas kadhaca, waloow ay horay uga dhici jireen qaraxyada lagu aaso wadooyinka iyo kuwa gacmaha laga tuuro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here