Faah-faahino Kasoo Baxaya Soomaali Ku Dhimatay Dalka Libya

Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dad Soomaali ah, oo shalay dhibaato kuq absatay dalka Libya, kadib markii Tareele lagu tahriibinayay oo dhinacyada laga saaray Shamiito Iyo Bulukeeti kaasi ooladoonayay in Ciidamada laga qariyo ay kusoo dumeen.

Dhimashada ayaa hadda gaareeysa ilaa 26 ruux, oo 23 kamid ah dadkaas ay yihiin Soomaali halka sadexda kalena ay udhasheen wadanka Ereteriya, dadkii shilkaas ka badbaaday ayaa waxaa loo taxaabay xabsi ku yaala magaalada Tripoli halka kuwa dhaawacmayna lageeyay Isbitaalada.

Mahad Maxamed Baafo oo kamid ah Soomaalida kashaqeeysata dalka Libya, ayaa idaacada VOA-da usheegay in dhamaan dadkii dhintay hal meel laysugu keenay.

“Isbitaalada xaqiiqatan waxaa hada dhimashada aynu haynaa 25 qof oo Soomaali ah, dhamaantoodna waa rag, Lixna waa gabdho, iyo 3 udhalatay wadanka Ereteriya” ayuu yiri Mahad Maxamed Baafo.

Mahad, waxaa kaluu sheegay in dadka wax tahriibiya ay dhamaantood yihiin dad udhashay dalka Libya, arinkaana ka shaqaysta.

“Walaal waa dad udhashay Libya oo dadka doonyaha saara lacagna ka qaata, Saxarahana kasoo galiya, kadibna keena magaalada Tripoli, si ay halkaas dooman kaga siis aaraan, waana dad waligood ka ganacsan jiray” ayuu sii raaciyay mahad.

Safiirka Soomaaliya ufadhiya dalka Libya, C/qani Maxamed Waceys ayaa waxa uu sheegay ineey isku diyaarinayaan in la aaso dhamaan dadkii mashaqadaas ku geeriyooday, iyadoo dad badan oo Soomaali ahna ay isugu soo baxeen Isbitaalka la keenay meeydadka dadkaas.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here