Faah faahino kasoo baxaya Sarkaal Shabaab ka tirsan oo lagu qabtay Malaysia

shabaabIlaa iyo hada faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya, nin ay qabteen ciidamada gaarka ah ee Malaysia oo ay sheegeen, inuu xiriir la lahaa ururka Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama.

Ninkaan ayaa la sheegay inuu asal ahaan yahay Soomaali, da’diisana waa 34 sano jir.

Macluumaad ku saabsan ninkan la qabtay:

Maalintii Khamiistii ayay ahayd, markii ciidamada Malaysia ay qabteen ninkaan Xaafada lagu magacaabo Sangool ee ku taala duleedka Caasimada dalkaasi ee Kuala Lampur.

Hadaba warar laga helay ilo kala duwan, ayaa xaqiijinaya, in ninkaan lagu magacaabo “Shiikh Abuu Yaasir Al-maqdasi”, waxaa uu horay uga tirsanaa ururkii bur buray ee Xisbul Islaam ee markii danbana ku biiray ururka Al-shabaab.

Waxaa la sheegay, inuu kamid aha xubnihii la socday Shiikh Xasan Daahir Aweys, markii uu kasoo baxsaday ururka Al-shabaab Bishii June ee Sanadkii hore, kadib markii magalada Marka lagu dilay 2 sarkaal oo kamid ahaa ururka, oo lagu kala magacaabi jiray (Ibraahim Al-Afgaan iyo Macalin Burhaan).

Abuu Yaasir Almaqdasi,waxaa sanadkii ugu danbeeyay uu ku noolaa magaalada Muqdisho, isagoo muxaadarooyin ku daabici jiray Bogaga Internetka qaarkood, sidoo kale waxaa uu soo saari jiray fariimo cod ah oo uu si weyn u canbaareeynayo hogaamiyaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

Sanadkii ugu danbeeyay, waxaa la sheegay in ugu yaraan laba mar ay qabteen ciidamada amniga ee Soomaaliya, kadibna lasii daayay.

Markii ugu danbeysay ee la qabtay, waxay ahayd Bishii March ee aynu soo dhaafnay.

Saraakiisha Ciidamada amniga ee Malaysia, ayaa sheegay ineey baarayaan ujeedada safarkiisa ee uu ku tagay dalkaasi, waxay Boolisku Sheegeen in Abuu Yaasir, ay dooneyso Hay’ada Booliska Caalamiga ah ee INTERPOOL.

Booliska Malaysia ma sheegin waqtiga saxda ah ee Abuu Yaasir uu soo galay wadankaasi iyo Baasaboorka uu kusoo galay nuuciisa toona, waxay sheegeen Boolisku Ineey ku raad joogaan 5 qof oo kale, oo badankood wadankaasi ay kusoo galeen Fiisooyin kuwa Ardayda lasiiyo ah.

Waxay sheegeen in dadkaasi qaarkood la aaminsanyahay, ineey wadankaasi ka baxeen xiligan, waxaana ay sheegeen in baritanka uu wali socdo ayna dhici karto in dad kale la qab qabto.

Todobaadkii hore ayay Booliska Malaysia qabteen 11 qof oo lala xiriirinayo falal xagjirnimo ah, waxayna sheegeen Booliska in dadkaasi ay huwanaayeen magaca shaqooyin Bini’aadanimo la xirira, hase yeeshee warbahinta Malaysia oo soo xiganeysa Saraakiil wadankaas ka tirsan, ayaa sheegay in qab qabashadii dhacday todobaadkii hore iyo tan dhacday todobaadkan aysan xiriir lahayn.

Ilaa iyo hada ma cada in Abuu Yaasir in lagu soo oogi doono dacwad, in loo gudbin doono wadan sadexaad iyo in lagu soo celin doono Soomaaliya.

Kooxo xagjiriin ah oo isku xiran, ayaa mudo dheer kasoo jiray wadamada Malaysia Indonesia iyo Philipine, hase yeeshee waxaa si wada jir ah u daciifiyay howlgalo wadajir ah oo dhacay sanadkii 2001.

Kooxaha mintidiinta ah ee kajira wadankasi, waxay sanadihii u danbeeyay bilaabeen ineey xirir la sameeyay kooxaha xagjirka ah ee kajira Bariga Dhexe iyo waliba kuwa Koofurta Asia, si ay u helaan maalgeli, Tababar iyo waliba howlgalin intaba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here