Faah faahino kasoo baxaya kulanka Soomaaliya iyo Somaliland

Kulan shalay ilaa xalay ka socday magaalada Stanbul, ee wadanka Turkiga ayaa Xalay xili danbe lagu soo gaba gabeeyay halkaas, waxaana kulankaas uu u dhaxeeyay masuuliyiin kasocotay doowlada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana masuuliyiinta Df hogaaminayay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka, C/kariin lXuseen Guuleed, dhinaca Somaliland waxaa horkacayay wasiirka arimaha dibadda C/laahi Cumar.

Kulanka ay yeesheen labada dhinac, ayaa warar hordhac ah oo aan heleyno waxa ay shegayaan in ay isla afgarteen, in kalsooni lagu abuuro labada shacab, iyo in sidoo kale laga wada shaqeeyo dhinaca amaanka, iyo la dagaalanka Al-shabaab & burcad-badeeda.

Waxyaabihii kale ee ay labada dhinac isla afgarteen waxaa kamid ah in deeqaha doowlada Soomaaliya ay ka hesho Caalamka wax laga siiyo maamulka Somaliland, iyo sidoo kale ineey sii socdaan wadahadalada u dhaxeeya labada dhinac.

“Waxyaabihiin aan ka wada hadalnay ee aan isla meel dhignay waxaa kamid ahaa inaan horay usii amba qaadno wadahadaladii naga horeeyay, iyo sidoo kale inaan kalsooni ku abuurno labada shacab, dhinaca amaankana aan iska kaashano” sidaa waxa warbaahinta u sheegay wasiirka arimaha gudaha DF C/kariin Xuseen Guuleed, oo warbaayhinta hadal kooban siiyay kadib markii uu soo gaba gaboobgay shirka.

Dhinaca kale wasiirka arimaha dibada maamulka Somaliland, C/laahi Cumar, ayaa sheegay in wadahadalada ay DF la yeesheen ay uga wadahadleen sidii loosii wadi lahaa wadahadalada, iyo kawada shaqeynta dhinaca nabadgalyada, islamarkaasna ay isla afgarteen Caalamkana ka doonayaan in lagu taageero.

Magaalada Ankara, waxaa hada ku sugan madaxweynaha doowlada Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh, iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Siilaanyo, waxaana lagu wadaa in maanta la horgeeyo qodobadii kasoo baxays hirka labada dhinac ay ku yeesheen Stanbul, wufuuda hordhaca ahayd.

Doowlada Turkiga ayaa xiliyadii danbe dhabarka saaratay, sideey u xalin lahayd khilaafaadka u dhaxeeya doowlada Soomaaliya, iyo maamulka lamagac baxay Somaliland, waxaana doowlada Turkiga ay ballan ku qaaday ineey heshiisiin doonto labada dhinac.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here