Faah faahino kasoo baxaya kulanka labada M/weyne

692x461x28.jpg.pagespeed.ic.EDh35_AUfYMadaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya Uhurru Kenyatta iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ay Nairobi ku yeeshee ku heshiiyay in la joojiyo qab-qabashada ay booliska Kenya ka wadaan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Cali Maxamed America ayaa VOA u sheegay in labada mas’uul ay isku afgarteen in dadkii lagu qab-qabtay howlgalladii Islii ay safaaraddu baaridoonta, lana sii deyn doono wixii sharci haysta, halka kuwii aan sharci haysanna lagu wareejin doono dowladda Soomaaliya.

Booliska Kenya ayaa magaalada Nairobi, gaar ahaa Eastliegh waxay ka wadaan baarityaanno lagu bartilmaameedsanayo Soomaalida halkaasi dagan, waxaana maalmihii u danbeeyay la qab-qabtay dad badan oo boqollaal gaaraya.isley (5)

Dhanka kale danjire Cali Ameeriko, oo xaadir ahaa kulanka labada M/wene, ayaa sheegay in kulankii shalay magaalada Nairobi ay ku yeesheen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya looga wada hadlay arrimaha qoxootiga Soomaalida iyo qabqabashada dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Kenya.

    “Waxaan ka shaqeynaynaa in dadka llaa hadda la qabtay wixii heysta sharci la sidaayo oo loo ogolaado inay dalka joogaan, laakiin wixii aan lahayn sharci waxaan ku ballanay inaan ka qaadano oo aan dadkeena ku ceshano dalkeena, waayo dadkan waa Soomaali, waxaana masuul ka ah safaarada Soomaaliya oo ah wakiilka rasmiga ah ee dawlada Soomaaliya.” ayuu yiri danjire Ameeriko.

Dib u celinta dadka Soomaalida ah ayaa la sheegayaa in socon doonta illaa inta hawlgalada ay wadaan ciidamada booliska Kenya ay ka socdaan magaalada Nairobi.

Booliska ayaa howgalladan bilaabay kadib markii toddobaadkii hore ay qaraxyo ka dhaceen xaafadda Islii.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here