Faah-Faahino kasoo baxaya duqeymo ka dhacay Saakoow

ciidamada DanabKhamiistii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ay Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareeykanka howlgal gaar ah ka fuliyeen Degmada Saakoow ee Gobolka Jubada Dhexe.

Hadaba waxaa soo baxaya warar sheegaya, in duqeymahaas lagu dilay saraakiil sarsare oo al-shabaab katirsan, sidoo kale waxaa jira warar aan la hubin oo sheegaya, in howlgalkaas lagu dilay Hogaamiyaha al-shabaab Abuu Cubeyda.

Isgaarsiinta deegaanada qaar ee Jubbooyinka ayaa hawada ka maqneyd khamiistii iyo jimcihii, kadib markii ay duqeynta dhacday.

Saraakiil ka tirsan dowladda oo aan magacooda sheegin ayaa warbaahinta u sheegay inay u badan tahay in duqeyntaas lagu dilay xubno sare, balse ma sheegin magacooda.

Laanta af Soomaaliga ee VOA ayaa Khamiistii sheegtay in duqeyn lagu bartilmaameedsaday guri ku yaal duleedka Saakow oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Gobolka Jubadda Dhexe ayaa ayaa ah gobolka kaliya ee degmooyinkiisa si buuxda gacanta ugu hayaan Al-Shabaab, iyadoo la sheego inay tahay meelaha ay ku badan yihiin Saraakiisha Al-Shabaab.

Dhinaca kale labadii habeen ee la soo dhaafay waxaa diyaarado milateri oo aan caadi aheyn ka dagayeen, garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana ugu dambeysay xalay oo dadka degan agagaarka garoonka diyaaradaha ay ka seexan waayeen guuxa diyaarado saqdii dhexe soo degayay, isla markaana saacado kadibna ka duulayay.

Ma cada in diyaaradaha Milateri ee ka degayay habeenadan inay xiriir la leeyihiin duqeyntii dhacday khamiistii la soo dhaafay oo aanay jirin wali wax war ah oo ka soo baxay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here