Faah-faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Bay

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya, dagaal saacadihii ugu danbeeyay deegaano katirsan gobolka Bay ku dhexmaray Ciidamada doowlada iyo kuwa Al-shabaab.

Deegaanka Goof-gaduud oo dhowr KM ujira magaalada Baydhabo ee xaruunta gobolka Bay, ayaa xalay waxaa weerar kusoo qaaday Ciidamo katirsan kuwa Al-shabaab.

Dagaalka oo socday mudo hal saac iyo bar kabadan soconayay, ayaa la sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hub cul cul iyo rasaasta Fud fudud.

Inta la xaqiijiyay 2 ruux ayaa geriyootay, halka5 kalena uu dhaawac soo gaaray, waxaana la sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba ay ahaayeen dad shacab ah.

Gudoomiyaha deegaanka Goof-gaduud Axmed Aadan Maxamed, ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabab ay weerar kusoo qaadeen, hase yeeshee ay iyaga khasaaro gaarsiiyeen.

Malmihii ugu danbeeyay waxaa deegaano hoostaga gobolka Bay, ku dagaalamayay Ciidamada doowlada oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab, iyadoo maamulka gobolka Bay uu dhowr mar ku cel celiyay in shabaab ay ka saarayaan deegaanada ay kaga suganyihiin gobolka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here