Faah-faahino kasoo baxaya dagaal gelinkii danbe shalay ka dhacay Bay

Xaalado dagaal ayaa laga soo sheegayaa degaano ka mid ah gobolada Bay iyo Bakool ee koonfur galbeed Somalia.

Ugu yaraan sagaal qof ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen qaar kalena ay ku dhaawacmeen dagaal shalay galab iyo xalay fiidkii ka dhacay tuulada Awdiinle oo ka tirsan gobolka Bay.

Dagaalkan ayaa ka dhacay duleedka tuulada Owdiinle, oo qiyaastii 30km dhanka galbeed kaxigta magaalada Baydhabo, ee xaruunta gobolka Bay.

Wararka laga helayo tuulada Owdiinle ayaa xaqiijinaya, in ugu yaraan 9 ruux ay ku dhinteen dagaalka, kuwaasoo ahaa dhinacyadii dagaalka dhexmaray, waxaa kaloo jira dhaawacyo soo gaaray dhinacyadan dagaalamay, balse si rasmi ah looma xaqiijin karo tirade.

Dagaalka kadhacay Owdiinle ayaa wax qasaaro ah u geysan dadka shacabka ah eek u nool halkaas.

Owdiinle, waxa ay kamid tahay deeganada ay Ciidamada doowlada ku leeyihiin fariisinka, waxaana ilo kamadax banaanlabada dhinac ay xaqiijinayaan, in Ciidamada doowlada ay halkaas isaga baxeen.

Rabshadaha ka dhacay Owdiinle aya kusoo beegmaya xili Al-shabaab ay shalay la wareegeen magaalada Xudur ee Xaruunta gobolka Bakool, iyadoo halkaasna shalay ay isaga baxeen ciidamadaii Ethiopia iyo kuwa doowlada Soomaaliya, kuwaasoo u jiheystay dhanka Bardaale.

Xaalad kacsananaan ah ayaa kajirta gobolka Bay, waxaana habeenimadii xalay laga cabsi qabay in Ciidamada Ethiopia ay isaga baxaan deegaano kaloo katirsan gobolka Bay.

Kulan Xalay dhexmaray Saraakiisha Ethiopia iyo Xilibaano:

Warar kaloo soo baxaya ayaa sheegaya in habeenkii xalay uu kulan dhexmaray Xilibaanada kusugan gobolka Bay iyo saraakiisha Ciidamada Ethiopia, Xilibaanada qaarkood oo Saxaafada lahadlay ayaa sheegay, in Saraakiisha Ethiopia ay islameel dhigeen ineeysan ka bixin gobolka, iyo ineey kusoo laabtaan deegaanadii ay ka baxeen.

Waxaa kaloo jira kulamo kale oo saraakiisha Ciidamada Ethiopia iyo Xilibaanada ku sugan Baydhabo ay ku ballansanyihiin.

Bixitaanka Ciidamada Ethiopia ayaa soo ifbaxay xili ku dhowaad 30 xilibaan ay shalay gaareen magaalada Baydhabo, iyagoona sheegay in socdaalkooda uu ;la xiriiro sidii ay dhibaatada ula qaybsan lahaayeen shacabka ku nool halkaas.

Shiikh Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe”, oo kamid ah Xilibaanada shalay gaaray Magaalada Baydhabo, oo kamid ah Xubnihii ka hadlay tagitaankooda magaalada Baydhabo ayaa yiri:

“…..Waxaan halkaan u imaanay inaan aragno xaalada dadka ku nool gobolka, oo aan la qaybsano dhibaatada…”.

Ciidamada Ethiopia, ineey kabaxaan gobolada Bay iyo Bakool, ayaa culeys ku noqoneysa labadaas mamul, iyo Xilibaanada kuwaasoo magalada Baydhabo shalay u tagay ineey Xaliyaan Khilaaf ka dhashay maamulkii dhawaan loo magacaabay gobolka Bay.

Dagaalkan ayaa sidoo kale waxa uu ku soo beegmayaa xilli Gudoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Baay Mudane Cabdi Aadan Hoosow uu ku hanjabay in al-Shabab ay ka saari doonaan deegaanada ay kaga suganyihiin gobolkaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here