Faah-Faahino kasoo baxay al-shabaab oo askar Kenyan ah laaysay

Mid kamid ah ciidamadii Kenya looga laayay Xerada Ceel-cade
Mid kamid ah ciidamadii Kenya looga laayay Xerada Ceel-cade

Shan ka mid ah askarta dalka Kenya ayaa lagu dilay deegaan ka tirsan Mandheera.

Sagaal askari oo ilaalo ka ahaa bas u socday magaalada Mandheera ayaa lagu weeraray inta u dhaxaysa Ceelwaaq iyo Kutulo.

Job Boronjo oo ah taliyaha booliiska Mandheera ayaa sheegay in gaariga askarta ee la weeraray uu 20 ilaa 40 mitir u jiray baska ay ilaalada ka ahaayeen.

Dadka weerarka gaystay oo Al shabaab loo malaynayo ayaa tiradooda lagu qiyaasay 28 illaa 30, raadkooduna wuxuu aaday dhanka Soomaaliya.

Waa markii labaad ee weerar ka dhacayo isla deegaankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here