Faah-Faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya Is-rasaaseyn xalay ka dhacday Jowhar

jowhar4Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya is-rasaaseyn xoogan oo xalay ka dhacday Xaruunta ay ka dhaceysay Doorashada aqalka Hoose ee magaalada Jowhar.

Shaqaaqada ayaa timid kaddib markii uu buuq ka dhashay doorashada Aqalka Hoose oo Kursiga Gugundhabe, gaar ahaan Jufada Jidle ay ku tartamayeen illaa saddex musharax.

Doorashadii Xalay ayaa buuq iyo gacan ka hadal ka dhashay, kaddib markii uu soo gaba gaboobay wareegii hore ee codeynta.

Kursigan ayaa waxaa ku tartamayay Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed Xasan Nuur iyo Axmed Shiikh Nuur Foodcadde iyo Nuur Bocor.

Wareega hore ayaa Wasiirka Dhalinyarada looga cod badiyay, isagoo uu helay 21 cod, halka Musharaxa kale ee Axmed Shiikh Nuur Foodcade oo la aaminsan yahay inuu ka tirsan yahay taageerayaasha Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed uu kahelay 23 cod, Musharaxa saddexaad ayaa wareega koowaad ku haray, isagoo helay 7 cod.

Intaas kaddib ayaa loo baahday wareeg labaad, si ay u kala baxaan labada Musharax ee ugu codka badnaa, waxaana kadib goobta ka dhacday buuq iyo gacan ka hadal.

Wasiirka Dhalinyarada uu ka baxay hoolka doorashada, kaddib markii uu ogaaday in hadii uu Tartami lahaa laga adkaanayo, taasoo keentay in buuq iyo gacan ka hadal uu dhaco, waxaana kaddib la damiyay Korontada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in is rasaaseynta ay u dhaxeyso Ilaalada Wasiirka Dhalinyarada iyo Ilaalada Musharaxa kale ee la tartamayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here