Faah-Faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya howlgalkii ay ciidamada DANAB ka fuliyeen Toora-Tooroow

User comments
User comments

Taliska ciidanka Xooga dalka Somaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgal qorsheysan oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska ay ka fuliyeen Deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabellaha hoose.

Warka ka soo baxay Taliska Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in 04:00Am Saacadda Geeska Afrika ay Ciidamada Kummaandooska Somaliya howlgal qorsheysan ku fuliyeen Saldhiga Al-shabab Deegaanka Toorotooroow.

“Ciidamada Sida gaarka ah u tababar ee Danab ayaa Salaadii Subax Xilli ku dhaw howlgal qorsheysan ku qaaday saldhig Al-shabaab ay ku uruuriyaan waxa ay ku ugu Ugu yeeraan Zakawaadka oo ay ku boobaan hantida shacabka ku nool deegaankaasi, ujeedka ciidanka wuxuu ahaa in saldhiggaas ay burburriyaan, weyna ku soo guuleysteen’. Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Warka ka soo baxay Taliska ciidamada Xooga dalka Somaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ay dileen Saraakiil Shabaab ka tirsan iyo ciidamo kuwaasi oo lagu qaarijiyay intii howlgalka uu socday.

Ciidamada Kumaandooska Somaliya ayaa fuliyay weerarada qorsheysan ee loogu galo Shabaab Saldhigyada ay ku leeyihiin Gobolada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here