Faah-faahin:Kooxo hubeysan oo maanta weeraray xaruunta Dahabshiil ee Suuqa Bakaaraha

Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada Soomaaliya, ayaa maanta duhurnimadii weerar ku qaaday xaruun ay shirkada Dahabshiil ku leedahay Suuqa Wey nee Bakaaraha, gaar ahaan suuqa dahablaha.

Goob joogayaal ayaa noo xaqiijiyay in kooxaha weerarka shirkada kusoo qaaday ay gaarayeen ilaa 7 ruux, islamarkaasna ay shirkada kasoo weerareen dhowr jiho, waxaana la sheegay ineey fureen rasaas Xoogan oo aan loom eel dayin.

Raggani hubeysan ayaa la sheegay iney damacsanaayeen iney dhac u geystaan shirka Xawilaadda Dahabshiil,Dableydan hubeysan ayaa la dhowr jiho kasoo galay xarunta shirkadda iyagoona rasaas aan loo meel dayin ooda kaga qaaday xarunta Shirkadda ee Bakaaraha.

Dableyda weerarka ku qaaday  shirka Dahabshiil ayaa ku guul dareystay iney gudaha u galaan xarunta shirkadda kadib markii ay iska caabin xoog leh kala horyimaadeen ilaalada sgirkadda Dahabshiil oo raggaasi la galay dagaal socday muddo Saacad  ah.

Waxaana inta la xaqiijiyey ka dhashay dagaalka dhexmaray dableyda hubeysan oo isku dayey iney dhacaan shirkada Dahabshiil iyo ilaalada shirkadda   1 ruux oo la sheegay inuu ka tirsanaa kooxdii hubeysneed ee dooneysay iney dhaca u geystaan Shirkadda  Dahabshiil  xarunteeda Bakaaraha oo ku taalla agagaarka Suuqa Sarifka bartamaha suuqa Bakaaraha.

Booliska ayaa yimid goobta weerarku ka dhacay, waxay qaadeen meydka qof ka tirsanaa kooxda wax soo weerartey oo ay kuwii kale uga carareen isla goobtaas.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here