Faah-faahin:Kooxo hubeysan oo maanta dhac u geystay xawaalada Kaah ee Boosaaso

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay laba kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii ay maanta koox hubaysani weerareen Xarunta Xaawadda Kaah ee magaalada Boosaaso.

Kooxdan hubeysan oo u dhacday gudaha xawaaladda, ayaa waxaa la sheegayaa inay qaateen lacag aan cadadkeeda la sheegin, ka dibna ay baxsadeen.

Mid ka mid ah shaqaalaha oo wareysi siinayay Idaacada VOA-da ayaa  sheegay in kooxda hubaysan ay banaanka ku soo dileen waardiyihii xawaaladda gudahana ay ku dileen mid ka mid ah howl wadeenadda xawaaladda.

“ Anagoo shaqeeyneyno baa uun niman noo soo galeen, waxayna dilen mid kamid ah waardiyayaasha” ayuu yiri mid kamid ah shaqaalaha Kaah, ee magaalada Boosaaso.

Sidoo kale goob jooge magaciisa ka gaabsaday ayaa warbaahinta u sheegay, in nimanka weerarka soo qaaday ay rasaas farabadan fureen, taasoo keentay in dadkii goobta ka ag dhawaa ay argagaxaan, islamarkaasna kala cararaan.

Waxa uu sheegay in rasaasta ay bilaabatay, markii ay raga burcada weerarka soo qaaday ay gudaha u galeen Xawaalada, goobjoogahaan ayaa sheegay in rasaasta ay socotay mudo 3 daqiiqo ah.

Halkaan ka dhagayso warbixinta weerarka Xawaalada:https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/03/warbixin-weerarka-xawaalada.mp3

Mas’uuliyiinta Laamaha Ammaanka ee Bari, ayaa sheegay inay ku howlan yihiin baaritaanka cidda geystay weerarka, isla-markaana aaney jirin cid ay u soo qabteen weerarka Xawaaladda Kaah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here