Faah-faahin:K.xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee DFS oo xalay Muqdisho lagu dilay

Xalay salaadii Maqrib kadib, ayaa 3 nin oo ku hubeysan biskoolado waxay toogasho ku dileen Ku-xigeenkii garyaqaanka guud ee dowladda Soomaaliya Axmed Sheekh Nuur Maalin.

Garyaqaanka ayaa rag hubeysan ay  dileen xilli uu ka soo baxayay masjid ku yaala agagaarka Hotel Ramadan ee degmada Yaaqshid.

Mid kamid ah dadkii goob jooga ahaa markii uu dilka dhacayay, ayaa Midnimo.com u xaqiijiyay in 3 nin oo dhalinyaro ah ay rasaas la dhaceen marxuumka wax yar kadib markii uu kasoo baxay Masjidka Ramadaan, oo uu salaada Maqrib kusoo dukaday.

Sidoo kale waxaa dhaawac uu soo gaaray wadihii gaariga oo lagu magacaabo C/rashiid.

Masaajidka Ramadaan oo ah halka lagu dilay ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee doowlada islamarkaasna ku yaala degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, ayaa ah goob ay ku xooganyihiin Al-shabaab, waxaana dhowr mar lagu dilay dad u shaqeeya doowlada ama hay’adaha.

Halkaan ka dhagayso Garyaqaanka guud ee doowlada oo ka hadlaya dilka ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee DFS:

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/04/Taariikhda-marxuumka.mp3″]

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here